Gudoomiyihii maxkamada iyo tii racfaanka G Banaadir oo xilka laga qaaday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magacaabay Guddoomiyeyaasha Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha ayaa xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir waxa uu u magacaabay Garyaqaan Cabdikhadar Maxamed Xasan oo ku takhasusay Shareecada iyo Qaanuunka.

Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Muuse Maclin Maxamed oo soo hayey tan iyo Luuliyo 2018-kii.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa garyaqaan Maxamed Axmed Cismaan u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Xilkan ayaa waxaa laga qaaday Garyaqaan Abshir Cumar Cabullaahi.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa ku adkeeyey Guddoomiyeyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarraynta sharciga, si simanna ugu adeegaan bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here