Guluf Ciidan oo ku wajahan Goboladda Jubbooyinka iyo diyaargarowgii ugu dambeeyey

sagootin ciidan1

Ciidamadda Soomaaliya ayaa isugu habar-wacanaya guluf dagaal oo ay kula wareegaan Goboladda Jubbooyinka iyo degaanadii koonfurta Soomaaliya ee gacantooda ka maqnaa.

Gobolka Shabeelada hoose ayaa laga dareemayaa diyaargarow iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo balaaran, halka Gobolka Gedo Maalin walba la sii xoojinayo difaaca iyo diyaargowga ciidamada, dhanka kale waxaa Soomaaliya ku soo wajahan ciidamo farobadan oo tababar ku soo qaatay dalka eritrea, kuwaas ku gaashaaman hub culus.

Xogaha ka imanaaya Kismaayo ayaa tibaaxaya in Madaxweynihii hore Jubbaland Axmed Madoobe uu xamaamtiisii u sii urursanayo Magaalada Libooye ee xuduudka Kenya iyo Somaliya, halkaas oo la sheegayo in Kenya ay doonayso inay ka dhigato gaashaan ay isaga dhigto Ciidamadda Soomaaliya iyo Alshabaab.

Axmed Madoobe ayaa shacabka Soomaaliyeed u aqoonsaday dabadhilif uu dalka Kenya u adeegsanyo boobka badda iyo beriga Soomaaliya, wuxuu ka tegayaa taariikh Madow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here