Guutada Kumaandoosta ee ciidamada xoogga dalka oo la abuuray, taliye cusubna loo magacaabay

ciidamada somalia

Taliska Ciidanka Xoogga dalka ayaa dib u abuuray Guutada 16-aad ee kumaandoosta Soomaaleed, isla markaana u magacaabay gaanshaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin in uu taliye u noqdo

Ciidanka Kumaandoosta oo horay u ahaa urur ayaa la balaariyay iyada oo la gaarsiiyay guuto la magacbaxday 16-aad.

Gaashaanle Ismaaciil oo ka tirsanaa Danab ayaa waxbarashadiisa jaamacadeed ku qaatay dalka Maleysiya, isaga oo sidoo kale ka qalin jebiyay kulliyad ciidan oo Mareykanka ku taalla.

Magacaabistan ayaa qeyb ka ah qorshe guud oo hoggaaminta ciidamada qalabka sida lagula wareejinayo dhallinyarada wax bartay ee ka tirsan ciidanka, taas oo meesha ka saareysa saraakiishii hore ee ciidanka hoggaaminayay ilaa xilligii kacaanka.

Ciidanka Danab oo iminka ay ku socoto ballaarin ayaa waxaa tababaray dowladda Mareykanka, waxaana la aaminsan yahay in ay yihiin ciidamada ugu tababarka wanaagsan ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here