Haddii Soomaaliya aysan burburi laheyn xaafadda Islii sidan uma dhisanteen

islii

Xilli toddbaadkan soddon sano laga joogo markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya ayaa haddana waxaa jirta in xiisad diblomasiyadeed ay u dhaxeyso dalalka Soomaaliya iyo kenya oo martigelisay qaxooto badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ku nool xeryaha qaxootiga ee Dadaab, Kakuma iyo xaafadda Islii.

Inkastoo dalka Kenya ay ku nool yihiin Soomaali muwaadiniin ah haddana waxaa la aaminsan yahay in burburkii Soomaaliya uu horseeday in dad badan oo Soomaaliyeed ay dhaqaalo geliyeen dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi, halkaas oo la sheego in uu ku yaalo suuqa ugu weyn bariga iyo bartamaha Afrika.

Qaxooti badan oo ku nool xeryaha Dadaab oo uu kamid yahay Aadan Saciid oo ay da’diisu tahay 20 sano jir, wuxuu rajeynayay in uu xerada Dadaab ku noolaado muddo kooban balse labaatan sano kadib wali waa qaxooti walibana reer ku yeeshaykuna ilma dhalay xilli dalkiisa hooyo uusan wali xasilooneyn.

“Rajo kama qabo in aan dib ugu laabto Soomaaliya, markii aan caruur dhalay, waxaan u heystay in mustaqbalkeena uu wanaagsanaan doonaa oo aan dib u laaban doonaa, taas hadda ma arko, waxaanu maqalnaa doorasho balse wali waxba ma kala socdaan, waxaan dhihi karaa sanadihii aan halkan qaxooti ku ahaa, maanta ayay ugu xuntahay marka la eego xaladda Soomaaliya”, ayuu yiri Aadan oo kaamid ah qaxootiga Soomaalida ee kunool xeryaha Dadaab.

.

Adan oo ah dukaanle ku nool xerada qaxootiga ee Dadaab, oo ah tan ugu weyn Kenya, waxaa la sheegaa inay ku nool yihiin axooto kor u dhaafaya 250 kun oo qof, kuwaas oo inta badan kasoo jeeda Soomaaliya.

Soddonkii sano ee ay Soomaaliya burbursaneyd, xerada Dadaab waxay hoy u ahayd dadka kasoo qaxay dagaallada Soomaaliya, dowladda Kenyana waxay dhowr mar ku celcelisay inay albaabada isugu dhufan doontaa xeryaha qaxootiga iyadoona sababta ku sheegtay culeyska dhaqaale ee ay kala kulmayaan iyo khatarta amnigaee kaga timaada xeryaha, maadaam sida ay sheegeen Al Shabaab ay ku dhex milmeen dadka qaxootiga.

Balse iyadoo Dadaab ay tusaale u tahay fashilka dowladnimo ee ka jira Soomaaliya, caasimadda Kenya ee Nairobi, xaafad kale oo ay Soomaali degto, ganacsiga aad buu u kobcay.

Xeryaha Dadaab

Cabdullahi Wasuge oo leh dukaan lagu iibiyo qalabka elektronikada ee xaafadda Islii waxaa uu kamid yahay dadka kasoo cararay dhibaatada ka jirta Soomaaliya 30 sano kahor, waxaa uu sheegay in dadka reer Nairobi ay aad u jecel yihiin inay ka adeegtaan xaafadda Islii, maadaama sida uu sheegay alaabta taala ay ka qiima jaban tahay suuqyada kale ee xaafadda, taaisina ay gacan ka geysatay kobaca xaafadda ee dhanka ganacsiga iyo dhismaha.

“Waxaan dhihi karaa farqi weyn ayaa u dhaxeeya Islii sida ay hadda tahay iyo sidii ay ahayd 30 sano kahor, aad ayay u dhisantay, waxaana dhihi karaa xaafadda Islii waxay dhisantay boqolkiiba laba-boqol 30-kii sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri Cabdullaahi Waasuge oo kamid ah ganacsatada xaafadda.

Mar Cabdullahi wax laga weydiiyay in xaafadda Islii ay sida ay tahay noqon laheyd hadii ay Soomaliya nabad ahaan lahayed ayaa waxaa uu yiri ” uma maleynayo in Islii ay sidan u dhismi lahayd haddii dowladii dhexe ee Soomaaliya aysan burburi laheyn”.

Ilaa saddex milyan qof oo Soomaali ah oo isugu jira qaxooti iyo muwaadiniin reer Kenya ayaa ku nool dalka Kenya, waxaa laga yaabaa in sanado ay qaadato inta ay Soomaaliya cagaheeda isku taageyso, marka xilligaas la gaaro dabcan xeryaha Dadaab waa ay xirmi doonaan balse xaafadda isli oo ah bartamaha Kenya wali waa ay sii jiri doontaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here