Halista Dagaal Qabaw oo adduunka ka qarxa oo laga digey

António Guterre

Adduunku waa inuu sameeyaa intii karaankiis ah si looga hortago Dagaal Qabow oo cusub, sida uu ka digay madaxa Qaramada Midoobay, xilli uu furayey shir guud oo ay dejinayaan xiisadaha Mareykanka iyo Shiinaha iyo saamaynta aafada Covid-19.

Xoghayaha guud António Guterres ayaa sheegay in adduunku uu ku socdo “jiho halis ah”, isaga oo ka hadlaya jabka ay abuureen “labada awood dhaqaale ee ugu waaweyn” adduunka.

Golaha sanadkan waxaa inta badan lagu qabtay hab muuqaal toos ah.

Caadiyan, xarunta UN-ka waxaa buuxin lahaa hoggaamiyaasha adduunka iyo wakiilladooda, kuwaas oo munaasabaddan u adeegsada inay kaga hadlaan guulaha ay gaadheen iyo inay la hadlaan kuwa la tartamaya.

Taa beddalkeeda, shakhsiyaad kooban oo ay ka mid yihiin sida madaxweynaha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bixiyay khudbado horay loo sii duubay. Waxaana durba laga dareemeyey sida ay xaaladda labada dal u kacsan tahay

Dhanka kale khudbad uu ka jeediyay dhismaha UN-ka ee New York, Mr Guterres wuxuu yiri: “Waxaan u dhaqaaqeynaa jiho aad u khatar badan.

Adduunkeennu ma awoodi karo mustaqbal ay labada dhaqaale ee ugu waawayn adduunka ku kala jabeen si aad u weyn – mid kastaana wuxuu leeyahay xeerarkiisa ganacsi iyo kan maaliyadeed iyo internetka iyo awoodaha sirdoonka macmalka ah.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa isku khilaafsan arrimo dhowr ah, laga soo bilaabo ganacsiga illaa laga soo gaadhay cudurka faafa ee coronavirus.

Mr Guterres oo ka hadlayey safmarka Karoone ayaa sida oo kale yidhi: “Aafadani waa dhibaato ka duwan wixii aan waligeen arkaynay. Laakiin sidoo kale waa nooca dhibaatada aan ku arki doono qaabab kala duwan marar badan iyo mar kale. Covid-19 keliya aha dhawaaq ina toosinaya, waa se tababar adduunyada u sii diyaarinaya caqabadaha soo socda. “

isku eedaynta Karoonaha

.
Qoraalka sawirka,.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Shiinaha ayAA isku maandhaafay arrinta coronavirus-ka shirkan golaha guud ee Qaramada Midoobay ee New York. Madaxweyne Trump ayaa ka sheegay in Beijing ay adduunka ku soo deysay belaayo, ayna waajib tahay in lagula xisaabtamo dhimashada uu keenay waxa uu ugu yeeray “feyraska Shiinaha”.

Safiirka Shiinaha ayaa diiday eedeymahaas oo ay ku tilmaameen mid aan sal iyo raad toona lahayn. Khudbadiisa fiidiyowga, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping wuxuu cambaareeyay isku day kasta oo lagu siyaasadeynayo fayraska. Wuxuu sheegay in Shiinuhu uusan damacsanayn inuu “dagaal qabow ama mid kulul” la galo dal kale.

Mike Pompeo ayaa kal isna hore sheegay in ay hayaan caddaymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheeybaadh ku yaalla magaalada Wuhan oo ah halkii uu markii hore ka soo bilowday ahayd xanuunkan saf-marka ahi, dabayaaqadii sannadkii tagay. Seynisyahanno badan ayaa aaminsan in coronavirus uu ka soo unkamay xayawaanada duurjoogta ah ee lagu kala iibsado seyladaha dalkaasi Shiinaha.

Warbaahinta CCTV ee Shiinaha ayaa si adag uga falcelisay hadalka Pompeo iyagoo sheegay in hadalkiisauu yahay mid la iska yiri oo aan loo meel dayin uuna Pompeo sidoo kale been faafinaya. Waa Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbixinta CCTV ayaa sidoo kale lagu sheegay in siyaasiyiinta Mareykanka ay ku dagdagyaan edeyenta iyagoo utaag la’ xaddidaadda coronavirus oo dadaalkoodii uu noqdayba hal bacaad lagu lisay.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ayaa sheegtay in Mareykanka uusan ilaa haatan soo badhigin cadeyn muujineysa hadalkooda ku aaddan in fayraska Corona uu ka soo unkamay sheeybaar ku yaalla dalkaasi Shiinaha.

Hase yeshee xafiiska agaasimaha guud ee sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in ay weli baarayaan sida uu fayraskan ku bilowday balse ay ogaadeen in Covid-19 “uusan ahayn wax uu qof sameeyay ama unugyadiisa la farsameeyay”.

Tan iyo markii uu cudurkaasi ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha dabayaaqadii sannadkii hore, ayaa coronavirus waxaa la xaqiijiyay inuu ku dhacay ku dhawaad 3.6 milyan oo qof oo ku nool daafaha dunida halka in ka badan 249,000 oo qofna ay u dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here