Haweenay ku safreysay shirkadda United Airlines oo Dib-qalooc ku dhex qaniinay

shirkadda United Airlines

Haweenay ayaa shirkadda diyaaradaha ee United Airlines oo ay ku safreysay waxaa ka dhex qaniinay Dib-qalooc .

Diyaarada ayaa ka soo kicitintay magaalada San Francisco islamarkana ku sii jeeday Atlanta.

Haweeneydan ayaa waxay sheegtay in ay dareenta wax lugta ka mudaya xilli lagu guda jiray duulimaad Khamiistii.

Markii ay haweeneydan musqusha aaday ayaa waxa surwaalkeeda ka soo dhacay Dib-qalooc.

Haweenayd rakaabka ahayd ayaa waxaa adeeg caafimaad u fidiyay shaqaalaha caafimaadka ee goobta joogay ka hor inta aan isbataalka loo qaadin.

Saraakiisha shirkadda diyaaradda ayaa BBC u sheegay in aysan wali magaca haweeneydan haynin islamarkana aysan xaaladeeda ka war qabin.

“Markii aan ogaanay in la qaniinay mid ka mid h macaamiisheena oo saarnayd duulimaad tirsigiisu ahaa 1554 oo ka soo baxday San Francisco islamarkana ku sii jeeday Atlanta ayaa waxaa cawiyo shaqaalihii caafimaadka ee goobta ku sugnaa, waxaa sidaasi lagu sheegay bayaan ay shirkadda soo saartay.

Shirakadda United Airlines ayaa sheegtay in haweeneydan loo fidiyay adeeg caafimaad
Shirakadda United Airlines ayaa sheegtay in haweeneydan loo fidiyay adeeg caafimaad

Bogga internet-ka ee lagu magacaabo news website TMZ, ayaa daabacay sawir u muuqda in uu yahay dub qaloocii laga dhex helay shirkadda United Airlines.

Ma aha markii ugu horreysay oo diyaarad rakaab laga dhex helo Dib-qalooc.

Horraantii sanadkan ayaa waxaa la arkay dub-qalooc ku dul socda boorsooyiinka shirkadda diyaaradaha ee Lion Air oo ku sii jeeday Indonesia.

Dhacdo tan la mid ah ayaa dhacday 2017, ka dib markii nin reer Canada ah uu dub qalooc ka dhex qanuunay shirkadda diyaaradaha ee United Airlines.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here