Haweeney dacweysay Isbitaal diiday in uu keydiyo ugxanteeda

Teresa Xu

Haweeney u dhalatay dalka Shiinaha ayaa dacwad ka gudbisay Cusbitaal ku yaal magaalada caasimadda ahi ee Beijing ka dib markii dhakhaatiirta cusbitaalkaasi ay diideen in ay u keydiyaan ugxanno, maadaama aan la qabin haweeneydaasi.

Shirciga dalkaasi ayaa haweenka aan la qabin ka mamnuucayo in ay keydsadaan ugxanno.

Teresa Xu ayaa sanadkii la soo dhaafay tagtay cusbital ku yaal magaalada Beijing oo ku takhasusay arrimaha dumarka, waxa ayna doonaysay in loo keydiyo ugxanteeda si ay xirfaddeeda uga meel gaarto ka hor inta aysan ilmo dhalin.

Teresa Xu oo 31 sano jir ah ayaa sheegtay in dhakhaatiirta cusbitaalkaasi ay ku tartarsiiyeen in marka hore ay cannug dhasho ka hor inta aysan keydsan ugxanteeda.

Waxay sheegtay in markii dambe loo sheegay in aan arrintaasi loo sameyn karin ilaa iyo inta ay ka guursanayso.

Xu ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegtay: “waxaan halkan u imid in aan helo farsamo caafimaad balse waxaan ugu imid qof igu cadaadinayo in aan xirfadeydu ka tanaasulo oo aan marka hore ilmo dhalo.”

Sida laga soo xigtay wargeyska New York Times, Chao Wei, oo ah afhayeenka cusbitalkaasi ayaa sheegay in cusbitaalkaasi uu u dhaqmay si waafaqsan sharciga dalka ee diidaya in haweeney aan ilmo dhalin ama aan wali guursan loo keydiyo ugxan si ay mustaqbalka u isticmaasho.

UGXAAN

Isniintii la soo dhaafay ayaa maxkamad ku taal magaaladaasi Beijing waxay dhageysatay dacwadda haweeneydaasi ay ka gudbisay cusbitaalkaasi. Dacwaddaasi oo la filayo in ay qaadato muddo bilo ah ayaa waxaa aad looga hadal hayaa guud ahaan dalkaasi Shiinaha, waxana dad badan ay baraha xiriiria bulshada ku taageerayeen haweeneydaasi dacwootay.

Xu oo warbaahinta la hadashay ka dib dhageysiga dacwaddaasi ayaa sheegtay “Anigu ila ma aysan ahayn in aan maxkamadadasi gudaheeda ku matalayay nafsadeyda oo kaliya balse waxaan dareemayay culeyska mas’uuliyadda haween badan oo aan la qabin.”

Ugxanta dumarka ayaa marka ay gabowaan waxaa ku dhaca tayo beel, sidaa awgeedna haweeneydu uma suurtagaleyso in ay uur qaado oo ay ilmo dhasho marka ay gabowdo. Dalkaasi shiinaha dumar badan ayaa doonaya in inta ay yar yihiin ay ugxantooda keydsadaan, si marka ay ubaahdaan ay uur noqdaan balse inta badan haweenka dhaqaale ahaan ladan ayaa dibadda u aado arrimahaasi.

Sanadkii 2013, atariisho caan ah oo lagu magacaabo Xu Jinglei ayaa waxa ay shaacisay in sagaal ka mid ah ugxanteeda ay keydsatay.

Dowladda dalkaasi Shiinaha ayaa dumarka aad u xaddidaysay tan iyo markii dowladda ay soo saartay sharciga qeexaya tirada carruurta ee qoysikiiba ay tahay in uu dhalo.

Dowladda dalkaasi ayaa sanadkii 2015 laashay sharci ogolaanayay hal cannug oo kaliya balse ilaa hadda dumarka aan wali guursan looma ogola in ay ugxantooda keydsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here