Hawlgal ay Ciidamada Danab Galmudug ka fuliyeen oo lagu soo qabtay nin la raadinayey

ciidanka danab

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga , gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran Danab ay howlgal ka sameeneeyn deegaanka Wargalo ee gobolkaasi.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciidamadu ku qaadeen guri ku yaalla deegaankaasi oo lagu tuhmayey xubno ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay la kulmeen iska hor imaad kooban, islamarkaana looga dhaawacay hal askari, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in gacanta lagu dhigay nin hubeysnaa oo ku sugnaa guriga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Wargalo oo qiyaastii 70 kiilo mitir dhinaca koofur Barri kaga beegan Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Ninka la qabtay ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inuu ahaa bartilmaameedka howlgalka, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse gacanta lagu dhigay.

Howlgalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay xoojiyeen dhaq dhaqaaqyada ka dhanka ah Al-Shabaab ee  ay ka wadaan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here