Hay’adda IMF oo ansixisay qorshaha maali-gelinta deyn cafinta Soomaaliya

imf

Guddiga fulinta hay’adda lacagta adduunka ee IMF ayaa ansixiyey qorshe maali-gelin oo IMF ka caawin doona inay bixiso saamiga uga aadan deyn cafinta Soomaaliya, sida ay sheegtay agaasimaha IMF Kristalina Georgieva oo bayaan soo saartay.

Qorsha maal-gelinta ayaa waxaa ka mid ah kaash damaanad qaad ah oo loo adeegsan doono in lagu tiri dhammaan deynta IMF ay ku leedahay Soomaaliya.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii Soomaaliya looga caawin lahaa hanaanka ay dib ugu soo celineyos xiriirka ay leedahay beesha caalamka, islamarkaana ay horumar uga sameyneyso sidii ay ugu guuleysan lahayd in deynta laga cafiyo, ayada oo loo marayo hindisaha HIPS ee IMF” ayey tiri Kristalina Georgieva.

Go’aanka deynta looga cafinayo Soomaaliya ayaa waxa uu u dhici karaa sida ugu dhaqsiyaha badan marka dhammaan dalalka xubnaha ka ah IMF ay ballaan-qaadaan taagaeerada maaliyadeed ee loo baahan yahay, ayada oo Soomaaliya-na looga baahan yahay inay sii waddo is-beddelada xooggan oo ay sameyneyso.

Soomaaliya ayaa waxaa lagu leeyahay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar, taasi oo u dhiganta 100% wax soo saarkeeda gudaha ee dalkaa (GDP).

Georgieva ayaa deyn cafinta Soomaaliya ku qeexday ahmiyadda IMF, waxaana ay sheegtay inay dhiirigelisay taageerada xubnaha IMF.

“Deyn-cafinta waa ahmiyadda IMF. Tani waxay gacan ka gaysan doontaa in Soomaaliya ay hesho kheyraad maaliyadeed oo cusub oo wax looga qabanayo horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay u baahan tahay iyo yareynta saboolnimada.” Ayey tiri.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka kusoo dhoweeyey tallaabada ay qaadeen xubnaha IMF.

“Waxaan u mahad-celineynaa dhammaan saaxiibada sii wada taageerada ay siinayaan safarka aan ugu jirno inaan helno deyn-cafin. Waxaan sii wadi doonaan is-beddelada xooggan” ayuu yiri Beyleh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here