Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay kulan gaar ah oo wadajir ah ku yeeshaan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, hasayeeshee waxaa la iswaydiinayaa halka uu ku dambayn doono xeerkii doorashada ee uu Golaha Shacabku meelmariyay.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa waxa ay ka doodi doonaan heshiiskii ay dhawaantan Muqdisho ku kala saxiixdeen madaxda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada ee ku aadana nooca doorasho ee waddanka ka qabsoomaysa aakhirka sanadkan iyo bilowga sanadka soo socda.
17-kii bishan Sibteembar ayey aheyd markii madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir ay kala saxiixdeen heshiiskaasi.
Waxa ay madaxdu ku heshiiyeen in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo, hasayeeshee qodob ka mid ah qodobada lagu heshiiyay ayaa dhigayay in heshiiska la horgeeyo baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya, sidaas daraadeedna maanta ay xildhibaannadu ka doodi doonaan heshiiskaasi islamarkaana ay cod u qaadaan.
Qodobada heshiiskii Muqdisho:
- In Dowladda Federaalka ay magacawdo Guddi Doorasho oo heer Federaal ah kaas oo kaashanaya Guddi Doorasho oo heer Dowlad Goboleed ah.
- In deegaan doorashooyinka Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka laga asteeyo labo magaalo oo ah caasimadaha Gobollada oo ku dhisan yahay Dowlad Goboleed kasta.
- In tirada ergada Xildhibaan walba u codeynaysa ay noqoto 101 ergo oo mataleysa beesha wadaagta kursigaas.
- In xulista ergada ay iska kaashanayaan odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka ah iyo Dowlad Goboleedka.
- In qoondada haweenka ee 30% ah la ilaaliyo.
- In Baarlamaanka heer Dowlad Goboleed ay soo doortaan Xildhibaannada Aqalka Sare.
- In Xildhibaannada Aqalka Sare ee Soomaaliland ay soo doorataan ergo matasha oo wada jir ah.
- In doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee Soomaaliland ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.
- Qorshaha doorashooyinka dalka waxa uu bilaabanayaa 1-da Nofeembar 2020.
- In sugidda amniga doorashooyinka ay ka wada shaqeeyaan hay’daha amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
- Heshiiskan siyaasadeed waxaa loo gudbinayaa Baarlamaanka Federaalka si ay u meel mariyaan.
- Madaxdu waxa ay adkaynayaan in xorriyadda hadalku ay tahay lama taabtaan sida ku cad Dastuurka KMG ah iyo Xeerka Saxaafadda ee dalka, sidaa darteed, waa in warbaahinta fursad loo siiyaa in ay si xor ah u tabiso goobaha ay codbixintu ka dhacayso, lagana fogaado wax walba oo ka hor istaagi kara gudashada masuuliyadda kaga aaddan doorashada.
- Shirku waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxda iyo bulshada Dowladda Galmudug sida ay u martigeliyeen shirarkii taariikhiga ahaa ee Samareeb 1-3. Sidoo kale, waxaa ammaan mudan shacabka iyo Maamulka Gobolka Banaadir sidii diirranayd ee ay usoo dhaweeyeen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wufuuddii la socotay.
- Waxaan bogaadinaynaa Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo hoggaaminta kudhisan isku haynta dalka ee uu muujiyay muddadii ay wadahadalladu socdeen, isaga oo xoogga saaray in wadajir iyo wada-ogol lagu dhammeeyo arrimaha doorashooyinka dalka.
- Shirku waxa uu ku bogaadinaayaa Beesha Caalamka kaalinta muuqata ee ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.
Maxaa ku dhacaya xeerkii doorashada?
Bartamihii sanadkan Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa meelmariyay xeerar dhowr ah oo uu ka mid ahaa midka doorashada, kuwaas oo uu guddoonka baarlamaanka waqtigaas ku adkaysanayay in la isticmaali doono waqtiga doorashada.
Hasayeeshee heshiiska siyaasadeed ee laga gaaray nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta ayey qaar ka mid ah khubarada shuruucda Soomaaliya ku doodayaan inuu ka hor imanayo xeerkii uu baarlamaanka meelmariyay.
Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Ibraahim Iidle Sulaymaan, oo BBCda la hadlay ayaa sheegay in sharcigii doorashada uu jiri doono hasayeeshee haddii uu baarlamaanka meelmariyo heshiiskan uu maanta ka doodi doono uusan lahaan doonin aasaas sharci: “Sideedaba markii sharci dal loo sameeyo oo la ansixiyo, sharcigaas laba hab ayaa lagu baabi’in karaa,” ayuu yiri garyaqaan Iidle.
“Labadaas hab mid waa in sharcigii sharci ka dambeeyay la soo saaro oo lagu caddeeyo laguna qeexo in sharcigii hore ee mawduucaas maamuli jiray ama xukumi jiray meesha laga saaray, iyadoo si cad loogu sheegayo in xeerkii xeerkan ka horreeyay ee numbarkiisa iyo sumaddiisu caynkaas aheyd ee sanad heblo soo baxay laga bilaabo maanta la laalay, mowduucii uu xukumi jiray ama maamuli jirayna uu xeerkan cusub maamulayo, sidaas darted xeerkii hore meesha waa uu ka baxayaa,”
Garyaqaan Ibraahim Iidle ayaa ku doodaya in sharci la hayo aanan looga guurin shar la’aan oo sharci kale kaliya ayaa meesha looga saari karaa, oo xeerkaas ayaan xambaarsan in kii ka horreeyay uu baabi’iyay.
Habka labaad-na waxa uu Ibraahim Iidle Sulaymaan ku tilmaamay “Waa in si cad uusan xeerka u sheegin in mid ka horreeyay uu buriyay laakiin si dadban looga fahmayo, oo sida dadban ee looga fahmayo ayaa ah in isagoo aanan xeerkii hore baabi’in haddana axkaam ka soo horjeeda sharcigii hore uu sharcigan dambe jidaynayo, sidaas daraadeed waxaa loo qaadanayaa in sharci-dajiyuhu uu jideeyay qodobo kuwii hore ka hor imanaya, macnaheedu kuwii hore looma baahna weeyaan.”
Heshiiska maanta labada gole ay ka doodayaan ayaa waxa uu Ibraahim Iidle sheegay inay wanaagsaneyd in hab sharci loo badelo oo xukuumadda ay soo mariso kaddibna loo soo gudbiyo baarlamaanka taas oo ka dhigi laheyd in lagu buriyo xeerkii doorashada ee kal hore la meelmariyay.
Dhanka kalase waxaa jira dad ku doodaya in xeerkaas uu sii jiri doono maadaama heeshiiskan siyaasadeed haddii la meelmariyo uusan xeer noqonayn la doonayana in looga gudbo caqabadda siyaasadeed ee ka dhalatay doorashada foodda inagu soo haysa.
Kulanka labada aqal ee Soomaaliya
In dhawaalaba waxa uu khilaaf u dhaxeeya guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo salka ku hayay hannaanka doorashada dalka ay u dhici doonto, hasayeeshee maalmihii ugu dambeeyay waxaa muuqanaysay isu soo dhawaansho labada dhinac ah.
Shir todobaadkii hore ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya ayey ka soo muuqdeen guddoonka labada aqal, madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada, kaas oo dad badan ay sheegeen in heshiis looga gaaray khilaafkii hoggaanka labada gole ee federaalka ka dhexjiray.
Khilaafka soo kala dhexgala guddoonka labada gole ayaanan ahayn mid ugub ah oo khubarada ayaa sheegaya in khilaafkii ugu dambeeyay uusan ahayn mid markaas uun billowday ee muddo uu soo jiitamayay.
Khilaafka labada aqal ee baarlamaanka u dhaxeeyay ayaa la sheegay inuu muujinayay sida labada gole ay ugu kala aragti geddissanaayeen habka siyaasadda doorashada loo galaayo.
Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa 24-kii bishii Juun ka soo horjeestay xeerarkii uu markaas ka doodayay Golaha Shacabka, kuwaasi oo qaarkood la ansixiyay, waxa uuna waqtigaas xeerarkaasi ku tilmaamay kuwo wax kabadelkoodu uusan sharciga waafaqsanayn isla markaana aanay ahayn kuwii ay soo diyaariyeen guddiga isku-dhafka ah.
Warqad waqtigaas kasoo baxday xafiiska guddoonka Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in xildhibaanada loo qeybiyay dokumenti ka duwan nuqulkii ay soo diyaariyeen guddiga wada jirka ah e labada aqal.
Hasayeeshee arrintaasi waxaa waxba kama jiraan ku tilmaantay Jawaahir Axmed Cilmi oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ahayd guddoomiye ku xigeenka guddigii isku-dhafka ahaa ee xeerarkaas ka soo shaqeeyay.
BBCda ayey waqtigaas u sheegtay in dikumintiga uu Golaha Shacabka ka dooday uu ahaa midkii saxda ahaa ee gudoomiyaha Aqalka Sare uu dan kale leeyahay.
BBCSOMALI