Heshiiskii gudiga farsamo ay Baydhabo ku gaareen oo la shaaciyey

doorasho soomaaliya

16-kii Febraayo, waxaa magaalada Baydhaba heshiis ku saabsan khilaafka doorashooyinka dalka ku gaaray guddiyo farsamo oo ka kala socday dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo jeediyey qodobo xal u noqon kara is-mari waaga siyaasadeed ee dalka.

Heshiiskaas ayaan marnaba la shaacin, waxaana guddiga ay sheegeen inay u gudbinayaan madaxda dowladda federaalka iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, kuwaas oo marka ay saxiixaan heshiiska shaacin doona. 

Si kastaba, madaxda ayaan marnaba kadib kulmin, waxaana lasii kala fogaaday markii madaxweynaha muddo xileedkiisu uu dhammaaday ee Farmaajo uu awood ciidan u adeegsaday musharaxiinta mucaaradka iyo shacab dibad-bax nabdoon ka dhigayey Muqdisho.

Caasimada Online ayaa hadda heshay heshiiskii Baydhaba. Haddaba hoos ka aqriso heshiiska iyo waxyaabaha ku qoran.

WAR-MURTIYEED 

Guddi farsamo oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Gobolka Banaadir, loona xil saaray ka shaqaynta sidii xal farsamo loogu heli lahaa caqabadaha hortaagan fulinta heshiiskii 17 September 2020 ee qabsoomidda Doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 15 – 16 February 2021 Shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda kumeel gaarka Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamada ayaa si qoto dheer uga dooday sidii Doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Federaalka ay ku qabsoomi lahayd muddo cayiman, si gaar ahna Guddigu waxay dood dheer iyo hogo-tusaalayn ka yeesheen tubta xal u helista caqabadaha qabsoomidda Doorashada iyo gaar ahaan fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Mogadishu. Guddigu waxay diiradda saareen in ay xal farsamo ka diyaariyaan dhamaan qodobada khilaafku ka jiro si ay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ugu sahlaan in ay is afgarad ka yeeshaan qabsoomidda doorashada Dalka.

Qodobada Shirka Guddiga Farsamada 

1. Cabashada la xariirta Guddiyada Maamulka Doorashooyinka ee labada heer (SlElT iyo FIEIT).
2. Xal u helidda Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland
3. Khilaafka Gobolka Gedo
4. Hirgelinta Qoondada Haweenka
5. Jadwalka cusub ee qabsoomidda Doorashad

Shirka waxaa ka soo baxay: 

1. Guddiga doorashooyinka 

a) lyadoo la tixraacayo is af-garadkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb ee 4-aad, waa in ciddii haysa magac ama magacyo cabasho laga qabo oo ka tirsan Guddiyada Doorashada (FlElT iyo SIEIT) ay u soo gudbiyaan Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo 3 maalmood gudahood ah si loo badalo. Wakhtigu wuxuu ka bilaabanayaa markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka saxiixaan heshiiskaan.

b) Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya markii ay soo gaarto macluumaadka xubnaha cabashada laga qabo, uuna xaqiijiyo macluumaadka wuxuu u gudbinayaa ciddii soo magacawday si loo keeno badalkeeda, loona faafiyo muddo 2bari gudahood ah.

2. Somaliland 

Si waafaqsan talo soo jeedintii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee shirkii Dhuusamareeb 5 February 2021 ee xallinta khilaafka Guddiga Maamulka Doorashada Kuraasta Somaliland, Guddigu waxay soo jeedinayaan 

a) ln Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu dib u celiyo 4 xubnood sl Guddoomiyaha Aqalka Sare ugu soo gudbiyo badalkooda muddo 5 maalmood ah laga bilaabo markii la saxiixo heshiiskaan. 

b) Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa soo gudbinaya 4 xubnood oo ka mid ah Guddiga Maamulka kuraasta Somaliland (1 xubin Guddiga heer Federaal ah iyo 3 xubnood ee Guddiga SIEIT).

3. Xal u helidda Gobolka Gedo 

Guddiga ayaa si qoto dheer u falanqeeyey, ugana dooday xaaladda Gobolka Gedo ee dhinacyada siyaasadda, amniga, horumarka bulshada iyo dhaqaalaha. 

Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka waxay soo jeedinayaan tubta xallinta khilaafka siyaasadeed iyo amni ee Gobolka Gedo guud ahaan iyo sidii ay doorashadu uga qabsoomi lahayd Magaalada Garbahaarey.

a) ln Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ay soo wada saaraan baaq nabadeed iyo xabad joojin Gobolka Gedo, loona cayimo ciidamada kala duwan baro ay ku sugnaadaan inta laga dhameystirayo dib u heshiisiinta Gobolka. Guddiga Dib u heshiisiinta ee ay soo magacaabeen Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa cayimaya baraha ay ku kala sugnaanayaan ciidamadaas si loo hubiyo xabad joojinta.

b) ln Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo ay ka maqan tahay Jubbaland ay u diraan Guddi dib u heshiisiineed Gobolka Gedo si ay u abuuraan jawi xasillooni amni ah, gogol xaarna ugu noqdaan dib u heshiisiin ballaaran iyo jawi lagu qaban karo doorashada Magaalada Garbahaarey. Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah ayaa Guddiga dib u heshiisiinta magacaabaya muddo 3 maalmood gudahood ah laga bilaabo markii Madaxdu saxiixaan heshiiskaan. 

c) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay wadatashi buuxa la yeeshaan bulshada Reer Garbahaarey si loo abuuro jawi ay ku qabsoomi karto Doorashada kuraasta taala Magaalada Garbahaarey.

d) Si loogu dhiso Degmada Garbahaarey maamul cusub oo dhex dhexaad ah, kana shaqayn kara isu soo dhaweynta bulshada ee dhanka siyaasadda, amniga iyo horumarka, waa in qaybaha kala duwan ee bulshada iyo odayaasha qabaa’ilka deegaanka dega ay Guddiga dib u heshiisiinta u soo gudbiyaan magacyada shaqsiyaad qaadi kara masuuliyadda maamulka Degmada Garbahaarey. Madaxweynaha Dowladda ubbaland ayaa soo magacaabaya xubnaha Maamulka ay Guddiga dib u heshiisiintu usoo gudbiyeen.

e) ln Guddiga dib u heshiisiintu ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku soo dhameystiraan qorshaha xasilinta guud ahaan Gobolka iyo tan jawiga qabsoomidda doorashada Garbahaarey si horey loogu socdo magacaabista Maamulka Garbahaarey iyo qabashada Doorashada.

f) Si loo hubiyo amniga Doorashada, Guddigu waxay soo jeedinayaan 

I. ln AMISOM Police la geeyo Magaalada Garbahaarey si ay u hubiyaan amniga Magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashadu.

II. ln Guddiga dib u heshiisiinta iyo Maamulka cusub ee ay soo magacawday Jubbaland ka soo talo bixinayaan, kana shaqeeyaan sidii Guddiga doorashada, ergada iyo murashaxiinta loogu diyaarin lahaa ilaalo gaar ih (Close Protection) ee amnigooda si loo helo amni laysku halayn karo muddada ay doorashadu socoto.

g) ln Guddiga dib u heshiisiinta ay soo gudbiyaan qorshaha iyo jadwalka gogosha nabadeynta Gobolka iyo dhameystirka dhismaha Maamulka Gobolka Gedo, waana in hirgalinta qorshaha dib u heshiisiinta Gobolka lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah.

4. Qoondada Haweenka 

lyadoo la tixraacayo heshiiskii 17 September 2O2O ee xaqiijinta Qoondada Haweenka, lagana duulayo waaya aragnimada in tirada haweenka ee Golayaasha Baarlamaanka aysan marna gaarin qoondadii lagu heshiiyey ee 30%, Guddiga Farsamadu wuxuu soo jeedinayaa 

1) ln Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ay la yimaadaan ka go’naansho siyaasi ah oo ay ku xaqiijinayaan qoondada haweenka 30% ee labada Aqal.

5. Jadwalka qabsoomidda Doorashada

lyadoo la xeerinayo dib u dhaca ku yimid wakhtigii loo asteeyey qabsoomidda Doorashada hay’adaha Federaalka ee 2020-12021, Guddiga Farsamadu waxay soo jeedinayaan.

a) ln Doorashada lagu dhameystiro muddo 60 maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa markii heshiiskaan ay saxiixaan Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.

b) Guddiga Doorashada heer Federaal (FlElT) ayaa soo saaraya jaangoynta jadwalka guud ee hirgalinta doorashada

c) Guddiyada heer Dowladaha Xubnaha ka ah (SlElT) waxay diyaarinayaa jadwal u gaar ah qabashada doorashada Dowladda Xubinta ka ah si waafaqsan jadwalka Guddiga heer Federaal si loo dadajiyo hirgalinta doorashada.

Magacyada Guddiga 

1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, wasiirka Dastuurka DFS
2. Xildhibaan Cabdullaahi Abukar Xaaji, wasiirka waxbarashada DFS
3. Wasiir Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland
4. Wasiir Cabdullaahi Cali Xirsi Timacade, wasiirka warfaafinta Puntland
5. Wasiir XirsiJaamac Gaani, wasiiru dowraha Madaxtooyada Jubarand
6. Wasiir Mursal Maxamed Khariif, wasiirka caafimaadka Jubaland
7. Wasiir Cabdiwaayeel Maxamed Jaamac, wasiir Arrimaha Gudaha Galmudug
8. Wasiir Aadan Cismaan Xuseen, wasiirka boosta iyo isgaarsiinta Garmudug
9. Wasiir Axmed Madoobe Nuunow, Wasiirka qorsheynta Koonfur Galbeed
10. Wasiir Maxamed Abukar Cabdi, wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed
11. Wasiir Maxamed Cali Caadle, wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle
12. Wasiir Caasho Khaliif Maxamed, wasiirka Haweenka Hirshabelle
13. Guddoomiye Basma Caamir Axmed, Guddoomiye ku-xigeen Gobolka Banaadir
14. Xiireey Axmed Rooble, Xoghayaha Gobolka Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here