Hiiraan: Ciidamada Somalia oo sheegtay inay laayey xubno Shabaab ahaa hubna ka furteen

farmaajo tababar ciidan turksom 24072019 1

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Weerarka oo ahaa mid dhaba gal oo ay fuliyeen ciidamada dowladda ayaa ka dhacay waddada xiriirisa degmooyinka Jalalaqsi iyo Buulo-Burte ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Cagajoof oo la hadlay VOA ayaa sheegay in howlgalkaasi oo ahaa mid qorsheysan ay ku dileen 20-tan ka tirsanaa Xoggaga Al-Shabaab oo la socday gaari Caasi ah oo ku socdaalayey waddadaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hub fara badan ay ka soo furteen raggaasi, kuwaas oo isugu jira 18 qoray oo AK47 ah, hal qoray oo RBG ah iyo hal qoray oo ah nooca ay Soomaalida u taqaano Dabajeexa.

Ugu dambeyn guddoomiye Cagajoof ayaa sheegay in xogta howlgalkan ay la soo wadaageen dadka deegaanka, kadibna ay suurta gashay inay laayaan dhammaan xubnihii Al-Shabaab ee la socday gaarigaasi.

Weerarkan ayaa daba socda, kadib markii Al-Shabaab dhowaan dad u badan dhalinyaro ay gaari kala dageen, kadibna ay ku toogteen gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here