Hindiya oo safiirkeedii Kenya usoo bedashay Soomaaliya

indian flag

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya, sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee ANI.

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Hindiya ayaa waxaa lagu sheegay in xilkaasi loo soo macaabay Dr Virander Kumar Paul oo bedalaya danjirihii hore ee dalkaasi Rahul Chhabra oo tan iyo December, 2018-kii wakiil uga ahaa Soomaaliya.

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay in safiirka cusub uu leeyahay waayo aragnimo dhinaca diblumaasiyadda ah, wuxuuna ka soo shaqeeyey dalalka Kenya, Romania iyo Moldova.

Dr Virander ayaa haatan ahaa safiirka Hindiya u jooga dalka Kenya, waxaana loo magacaabay bishii Augusto ee sanadkiii hore ee 2020-kii, iyada oo sababta loogu soo wareejiyey Soomaaliya lagu sheegay inay tahay inuu yahay waayo arag sii xoojin kara xiriirka iyo iskaashiga haatan ka dhexeeya labad dowladood ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Sidoo kale waxay wasaaradda arrimaha dibadda Hindiya shaacisay in safiirka cusub uu ka dagi doono Nairobi, halkaas oo uu horay ugu shaqeynayay safiirkii ka horreeyay.

Danjire Virander Kumar Paul ayaa sidoo kale la filayaa in todobaadyada soo socda uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu warqadaha aqoonsiga safiirnimo ugu gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Soomaaliya iyo Hindiya ayaa waxaa ka dhexeeya iskaashi & xiriir soo jireen ah oo dhinacyo kala duwan leh, sida caafimaadka, waxbashashada iyo adeegyo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here