Hogaamiyaha Daacish oo sheegay in dalal ay ku jirto Somalia lagu jabiyey Mareykanka

daacish abuukar Baqdaadi

Hoggaamiyaha guud ee ururka Daacish, Abuubakar Al-Baqdaadi oo soo duubay cod maqal ah ayaa ka hadlay howlgalladdii ugu dambeeyey ee ay kooxdu ka fulisay wadama dhowr ah oo ay ku jirto Soomaaliya.

Al-Baqdaadi ayaa inta badan khudbaddiisa diirada ku saaray dagaalka ay kula jiraan dalalka reer Galbeedka, gaar ahaan Mareykanka.

Hoggaamiyaha ayaa sheegay in Mareykanka lagu jabiyey dalalka Somalia, Afghanistan, Pakistan, Iraq, bartamaha Afrika, bariga Aasiya iyo waqooyiga Yemen.

Waxa kale uu sheegay in kooxdiisu ay sii xoogeysaneyso islamarkaana ay guullo ka soo hoyday dagaalladii ugu dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhowaan warbixin ka soo baxday Congress-ka Mareykanka ayaa lagu sheegay in awooda Daacish ay ku sii xoogeysnyeso dalalka Syria iyo Iraq.

Kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya ayaa ku xoogan dhulka buuraleyda ee Puntland, gaar ahaan gobolka Bari ee maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here