Hogaamiyeyaashii Ahlusunna Macalin Maxamuud Sh Xassan iyo Sh. Shaakir ayaa hada isku dhiibey Ciidamada Dowlada Faderaalka
Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha qaybta 21-aad iyo saraakiil sare oo qaybta ka tirsan ay ka soo saarey xerada Inji kadib markii ay dalbadeen in laga joojiyo xabada .
Ciidamadii iyo gaadiidkii dagaal ee Xerada ku jiray kuwaasi oo ahlusuno lahayd ayaa iyaguna si buuxda ugu wareegay dhanka Dowlada .
Hada xaalku waa degan yahay oo ma jirto wax rasaas ah oo socota xeradii inji waxaa gudaha u galay Ciidamada Haramcad iyo Gorgor.
Warkan waxaa soo sheegaya dadka degaan, mana jirto wax wara oo ka soo baxay Dawladda.