Hoggaamiyaha Ruuxiga Iran: wajiga ayaan ka dharbaaxnay

Ayatollah Ali Khamenei

“Xalay, wajiga ayaan ka dharbaaxnay,” ayuu yiri Ayatollah Ali Khamenei mar uu ka hadlaayay weeraradii xalay lagu qaaday saldhigyo ay Maraykanka leeyihiin.

Dadkii halkaas isugu soo baxay ayaa ku dhawaaqayay “Maraykanka ha dhinto.”

Waxa uu sidoo kale ku daray “marka ay xaaladdan timaada tillaaba milateri oo kaliye xal maahan”

Mar uu ka hadlaayay munaasabad ayaa waxa uu hoggaamiyaha Ruuxiga ee Iran Ayatollah Ali Khamenei yiri “Dalka waxa uu diyaar u yahay inuu jawaab ka bixiso gardarooyinka caalamka”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Jeneraalkii la dilay Qaasim Sulaymaani uu ahaa isbadel doon dhanka caalamka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here