Hoggaamiyihii Ahlu-Sunna oo tanaasulay taladiina ku wareejiyey wadaad kale

ahlusuna1

Kulan aan loo kala kicin oo maanta ilaa galabta hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna uga socday Madaxtooyada Inji ee magaalada Dhuusamareeb ayaa goor dhaw lasoo gaba gabeeyey.

Seddaxda wadaad ee ugu sareysa Ahlu-Sunna ayaa kulankooda uga arinsanayey waxa ay ka yeelayaan xaaladda cakiran ee Galmudug iyo khilaafka siyaasadeed ee soo kala dhex galay iyaga iyo dowladda federaalka.

Xog ay qaar ka mid a saxaafada yeleen ayaa sheegeysa in hoggaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud Sheikh Xasan uu tanaasulay, inla markaana uu hoggaamintii garabka Ahlu-Sunna ku wareejiyey Sheikh Cabdirisaaq Maxamed Cali Al-ashcari oo ka mid ah Seddaxda hoggamiye ee ugu sareysa Ahlu-Sunna.

saacada nagu soo aadan ayaa la filaya in Ahlu-Sunna war-saxaafadeed ka soo saarto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here