Hooyada Soomaaliyeed ee dhimatay kaddib markii ay 6 sano London dibad jiif ku ahayd

derbi jiif london somali

Muddo lix sano ah ayay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda Muxyadiin Geelle seexanayeen kursi meel bannaan ah oo ku taalla koonfurta magaalada London, hooyadaas ayaase geeriyootay dhowr maalmood ka hor sababo lagu sheegay dhibaatooyin caafimaad oo kasoo gaaray bannaanka ay jiifanayeen.

Dad badan ayay ka yaabsadeen markii ay go’aan ku gaareen in aysan ka dhaqaaqin meeshaas, iyagoo dhagaha ka fureystay dhammaan yaboohyadii loogu soo bandhigay guryo ay dagi karaan.

Markii ugu horreysay hooyadan iyo wiilkeeda waxay indhaha warbaahinta qabteen iyagoo muddo dibad jiif ahaa.

Sanadkii 2017-kii, qoraaga madaxa bannaan ee lagu magacaabo Tom de Castella ayaa ku baraarugay haweeneydan da’da ah iyo wiilkeeda oo dagganaa kursi ku yaalla afaafka hore ee maktabadda Tooting.

Waxa uu xilligaas ogaaday in meeshaas ay sii joogeen labo sano oo kasii horreysay waqtigaas… taasoo ku noqotay arrin cajiib ah. Waxa uu isweydiiyay sababta ay u waayeen cid wax u qabata. Balse mar kasta oo uu baaritaan kusii sameeyay xaaladdooda waxa u sii muuqaneysay mid layaab badan.

Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda ayaa hoy ka dhigtay bannaanka hore ee dhisme ku yaalla Tooting Broadway kaddib markii laga soo saaray guri uu ninkeeda ku geeriyooday.

Balse waxay ku gacan seyreen isku dayo badan oo ay golaha deegaanka ku damacsanaayeen in dib loo dajiyo, sida ay tabisay warbaahinta London Online News.

Hooyadan oo 70 iyo dhowr jir ahayd iyo wiilka ay dhashay oo ku jira da’da 30-meeyada ayaa caan ka dhex noqday dadka ka dukaameysta Tooting, waxayna u dhoollacaddeyn jireen qof walba oo u istaaga si uu ula sheekeysto. Wiilka ayaa si joogto ah ugu xirnaa masjidka Al-Muzzammil ee u dhow waddada Gatton.

Sannado badan oo ay arrintooda taagneyd kaddib waxay hooyadii geeriyootay dhawaan, halka wiilkana uu wali meeshiisii daggan yahay.

Xaawo Cabdi ayaa loola cararay Isbitaalka 30-kii bishii December ee lasoo dhaafay kaddib markii ay la xanuunsatay burukiito, balse maalintii xigtay ayay halkaas ku geeiyootay. Waxay dhakhaatiirtu sheegeen in laga helay fayraska corona balse sababta ay u dhimatay ay ahayd cudurka burukiitada.

2014-kii ayaa labadoodaba mar isbitaalka loo dhigay xanuun la xiriira cimilada qabowga ah, markaasoo kursiga ay ku seexanayeenna laga qaaday goobta.

Xaawo ayaa isbitaalka markii ay kasoo baxday isku dayday inay dib ugu noqoto goobtii balse waxay ogaatay in kursigii uusan oollin, walina wiilkeeda waxa uu ku sii jiray isbitaalka. Waxaa goor dambe la arkay iyadoo ku fadhisa kursi kale oo goobtaas u dhawaa, waxayna dallad kaga gabbaneysay roobka.

Kamal Maxamuud oo ay ilmo adeer yihiin Muxyadiin ayaa yiri: “Waxay ahay qof naxariis iyo xannaaneyn badan. Waxay i geyn jirtay iskuulka marka dambeyna guriga ayay igu soo celin jirtay. Seygeeda waxa uu u geeriyooday kansarka sambabbada, wax badanna ma uusan joogin waddanka marka uu dhimanayay. Kaddib wax walba way ka go’een. Qoyska oo dhan ayaa isugu yimid iskuna dayay inay guri geeyaan balse waxay ku adkeysteen inaysan kursiga ka tagin.

“Labadooda ayaa iska warqabi jiray oo midba uu kan kale xannaaneyn jiray. Laakiin hadda Muxyadin kaligiis ayuu joogi doonaa halkaas. Waxaan rajeyneynaa in uu aqbali doono inay dadka xannaaneeyaan, mana ka quusan doonno inaan isku dayno sidii aan u caawin lahayn.”

Sawirro ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta UK ayaa lagu arkayay wiilka ay hooyadiis geeriyootay oo isla kursigii goglanaya.

Maxaa u suurageliyay inay ku noolaadaan waddo London ku taalla? 

Wariye Cabdiqaadir Diinaari, oo in muddo ah u kuur galayay xaaladda hooyadan iyo wiilkeeda ayaa BBC-da u sharraxay sababta ay Xaawo Cabdi iyo wiilkeeda waqtiga dheer u daganaayeen kursiga kor yaalla maktabadda. “Waddanka UK maktabadaha kuraasta hor yaalla waxaa xeer u ah in aan laga hor qaadin, qof kasta oo isticmaalayana aan waxba la dhihi karin, xitaa haddii hoy ahaan loo isticmaalo. Waa kuraas loogu talogalay inay dadka isticmaalaan, maktabaddanina waa mid weyn. Marka taas ayaa u sahashay in hooyadan iyo wiilkeeda ay muddo dheer meeshaas ku noolaadaan,” ayuu yiri. Sababta ay dibad joogga u noqdeen ayuu sheegay inay salka ku heyso dhimashada seygeeda. “Waxaa igu maqaale ah in markii uu dhintay seygeeda ay aad uga naxday, dhaawac weynna uu u gaaray qalbi ahaan. Waxaa la sheegay in meydka odayga ay guriga ku hayeen labo maalmood .arkii dambena ay arkeen reer deris la ah. Kaddib waxaa laga saaray gurigii, waxaana loo sheegay in uusan ahayn mid u fiican labadooda maadaama uu weyn yahay,” ayuu yiri Diinaari. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray in Xaawo Cabdi dad badan xasuusan doonaan. “Waxay ahayd hooyo aad u wanaagsan oo qof walba uu jeclaa. Xitaa hadda aaskeeda waxaa mas’uuliyaddiisa qaaday oo qabriga u iibiyay wiil iyo gabar ay horay korintooda qayb uga soo qaadatay”. Dhawaan markii ay geeriyootay ayuu Cabdiqaadir u tagay Muxyadiin isagoo doonayay inuu ka wareyso qaabka ay hootadiis ku dhimatay balse wuxuu codsaday in aan su’aalahaas la weydiinin.

Dhimashada waddooyinka

Celcelis ahaan da’da dadka dibad jiifka ah ee ku dhinta UK waa 44 dhanka ragga, halka dumarka ay ka yihiin 42, sida uu sheegay xafiiska Qaran ee Tirakoobka, oo magaciisa loo soo gaabiyo ONS.

Warbixin kasoo baxday ONS waxaa lagu sheegay in 597 ruux oo dibad jiif ah ay 2017-kii ku dhinteen England iyo Wales – kuwaasoo intooda badan waddooyinka ku geeriyooday, balse qaar ay ku dhinteen xarumo hoy ah iyo isbitaallo.

Hase yeeshee dhimashooyinkaas ayaa mar mar uun soo jiita indhaha warbaahinta, sida mar ay labo qof ku dhinteen sanadkii 2018-kii bannaanka hore ee baarlamaanka UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here