Hooyadey waxay i dhihi jirtay cidna kuma iibsan karto oo qaalibaad tahay

caruus ghana

“Lacagta ama xoolaha Yarad ahaan gabadha looga bixiyo uma arkayo in loo bixinayo in aniga la igu guursado, sababta oo ah haddii uu qof damca inuu lacag igu iibsado qaali ayaan ku noqonayaa” ayey tiri Angela oo u dhalatay Ingiriiska isir ahaanna ka soo jeedda dalka Ghana.

Waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya qoyska gabadha dhalay Yarad ahaan lacag ama xoola ayaa loo siiyaa. Soomaaliduna waxay ka mid tahay bulshooyinka gabadhooda marka la guursanaya Yarad ka qaato.

“Ninka aan guursaday iyo qoyskiisaba iney lacag igu soo iibsadeen iney u arkaan ma rabo, balse waxaan doonayaa iney ii arkaan hanti qaali ah oo qoyskooda ku soo biirtay” ayey tiri Angela.

Sida uu dhigayo dhaqanka dalka Ghana qoyska ninka gabadha guursanaya lacago ama hadiyad ama labada oo la isku daray ayaa qoyska gabadha Yarad ahaan u siiyaan haddii wixi lagu heshiiyo markaasi ay awoodinna inyar inyar wey isaga bixin karaan.

Angela inkasta oo ay ku dhalatay kuna barbaartay dalka Ingiriiska haddana waxay dooneysaa iney dhaqankeeda dhowrto isla-markaana ay ilaaliso.

“Xilligi Afrikaannimada oo keli ah cadaadis lagala kulmi jiray waa laga soo gudbay, xaaladuhu hadda wey isbeddaleen. Waxaan hadda awood u yeelannay inaan dhaqamadeenna Afrika aan shaacinno isla-markaana aan meel marinno.”

Angela seygeeda Joffrey oo isna ka soo jeeda dalka Ghana wuxuu ku dhashay dalka Ingiriiska. Wuxuuna aaminsan yahay lacagta Yarad ahaan loo siiyo qoyska gabadha iney tahay oo keli ah ‘Gabadhiinna maadaamaa aad na siiseen waad ku mahadsan tihiin’ oo wax kale ma aha.

“Haddiise lacagta yaradda aad loo buunbuuniyo yaraddu markaasi ayey micna beeleysaa. Waxayna la mid noqoneysaa adiga oo gabadha lacag ku gatay sidaana ku kaxeystay.

Arooskooda weyn inta uusan dhicin hal usbuuc ka hor Joffrey iyo Angela waxay dhigteen aroors dhaqanka Ghana waafaqsan, waxayna ku heshiiyeen iney reerkooda oggolaasha weydiistaan si ay u wada noolaadaan.

Balse si ay dhaqanka wax ugu beddelaanna lacagti la helay iyo hadiyadihi arooskooda loo keenay ayey dib uga qaateen qoyska gabadha si ay noolashooda ugu kabaan.

“Hooyadey waxyaaba badan ayey iiga sheekeyn jirtay. Waan xusuustaa carruurnimadeysi ‘Adigu ma tihid qof la iib geynayo, oo cidna kuma iibsan karto” ayey tiri Angela.

Blising iyo Chelsea oo Ingiriiska ku nool waxay iyagu arrintu ku qaabileen si taa ka duwan.

Blising iyo Chelsea

Bilising wuxuu ka soo jeedaa dalka Zimbabwe lacagta yaradda ee la siinayo qoyska gabadha si uu u helo wuxuu xusuustaa inuu laba shaqo uu qaban jiray. Inkasta oo ay noolashu adag tahay haddana maadaamaa uu dhaqankeygu yahay waan ku qasbanaa inaan sidaa sameeyo ayuu yiri.

“Chelsea dhaqankooda sida uu dhigayo lacago iyo hadiyado kale in yarad ahaan reerkeeda loo siiyo dhaqankooda ayaa dhigaya hase yeeshee raalli kama aysan ahayn maadaamaa uu aabbaheed nooleyn. Anigu laakiin marki aan ka dhaadhiciyey ayaan ugu dambeyntii ku heshiinnay inaan yaradda qoyskooda siinno.”

Bilising wuxuu sidan u sameeyey si uu qoyska gabadha uu si kalsooni oo aan cabsi laheen uu ula hadlo.

.
Image caption.

Gabadh reer Zimbabwe oo u dhaqdhaqaaqda in la joojiyo dhaqanka soo jireenka ah ee yaradka lagaga bixiyo dumarka la guursanayo kaas oo wadamada Koonfurta Afrika looga yaqaan Lobola.

Priccilar Vengesayi oo ah qareen ayaa qudheedu doonaysa in la guursado waxaanay rumaysantahay in dhaqanka yaradka haweenka lagaga bixiyaa yahay mid lagu liidayo qiimaha dumarka, waxaa kale oo ay sheegtay in waalidiinta qaarkood ragga hablaha uga soo fadhiista ku xidhaan xoolo badan arintaasina ay dhaqanka yaradka ku noqotay foolxumo.

Dacwad ay u gudbisay maxkamadda dastuuriga ah ayey dooddeeda ku sheegtay in dhaqankaasi yahay mid duugoobay, waxaanay dalbatay in lamaanaha is calmada loo ogolaado in ay isguursadaan oo aan lagu khasbin in ninku yarad bixiyo.

Dhaqanka yarad bixintu waa arin aad looga yaqaan dalka Zimbabwe oo dhan, waxaana gabadh caana oo haysata horyaalka tartarkanka dabaasha oo la yidhaa Kirsty Coventry waalidkeed ka dalbadeen ninkii u soo fadhiistay in uu bixiyo sac iyo digaag, halka gabadh uu madaxweyne Mugabe dhalay oo la yidhaa Bona iyadna laga bixiyey yarad dhan kun doolar oo lacag ah iyo 15 neef oo lo’ ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here