Hooyadii khasabka cunugga ugu dhashay taliyaha Daacish ee go’aanka qalbi-jabka ah qaadatay

hooyo cunug

“Aadan wuxuu lahaa timo casuus ah iyo indho cagaaran, mana uusan u ekeyn walaalihiisa kale ee gabdhaha iyo wiilashada ah. Aniga waan jeclaa ilaa markii aan maqlay oohintiisii ugu horreysay. Wuxuu ahaa iftiin ii baxay xilli aan mugdi ku jiray”, sidaas waxaa tiri Jovan.

Laakiin cunuggaas aabihiis wuxuu ahaa ninka iyada afduubka u heystay, waxayna ugu dambeyn ku khasbanaatay inay faraheeda ka bixiso.

Jovan markii hore waxay ku jirtay nolol aad u qurux badan, waxayna meel la dagganeyd seygeeda Khedr iyo carruurteeda.

Waxay ku noolaayeen xaafad xasiloon oo ku taalla deegaannada ay waddanka Ciraaq ka daggan yihiin dadka kasoo jeeda qowmiyadda Yaziidi.

Waxay aad u jeclaan jirtay xilliyada xagaaga, markaasoo iyada iyo seygeeda ay bannaanka hore ee gurigooda isla tagi jireen marka ay carruurta ka seexdaan.

Waxay si wada jir ah u sheekeysan jireen iyagoo daawanaya cirka nadiifta ah ee ay xiddiguhu ku sharraxan yihiin.

“Aaad baan u faraxsanaa, waxaana ku noolaa nolosha ugu fiican ee qof u suurtagali karta”, ayey tiri Javan.

Laakiin noloshii ceynkaas ahayd mar ayey isu baddashay si aan kasoo noqosho lahayn. Waxay markaas ahayd xagaagii 2014-kii.

Maalin ka mid ah bishii August ee sanadkaas, wakhtigii qadada ka dib, labo gaari oo uu ka dul babbanayay calan madow ayaa xaafaddooda soo gashay.

Jovan iyo seygeeda Khedr ma aysan ka warqabin waxa xilligaas dhacayay laakiin way dareemayeen inay khatar soo food saartay.

Way iska caddeyd in ragga la socday gawaaridaas ay ahaayeen dagaallameyaal ka tirsan kooxda IS.

Hase ahaatee, qaarkood way garanayeen wajiyadooda – sababtoo ah waxay ahaayeen rag ka soo jeeday xaafadaha dariska la ah. Raggii dadka xaafadda waxay u ballan qaadeen inaysan wax dhibaato ah gaarsiin doonin haddii ay amarkooda.

Qoyskii Jovan waa la burburiyay, waxayna ka mid noqdeen 20 qoys oo halkaas laga kaxeystay. Ugu dambeyn waxaa la geeyay dooxada Sinjar ee ku taalla waqooyiga dalka Ciraaq.

Arrinta aysan lamaanahan fahmin waxay ahayd in tallaabadaas ay qeyb ka ahayd weerar ay kooxda IS ku dooneysay inay kula wareegto dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Billowgii sanadkaas, kooxdu waxay la wareegtay magaalooyin u dhow caasimadda Baqdaad.

Sidoo kale magaalada Mosul ayey qabsadeen shan bilood ka dib.

.
IS waxay mar gacanta ku heysay dhul ballaaran oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya

Dooxada Sinjar waxaa ku teedsan deegaanno badan oo ay dagganaayeen dadka u dhashay qowmiyadda Yaziidi.

Warkii ayaa si deg deg ah u fiday. Ka hor inta aysan gawaaridii kolonyada ahayd halkaas soo gaarinba, qoysas badan ayaa u yaacay dhinaca dooxada Sinjar, si ay u dhuuntaan.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in bishii August ee sanadkii 2014-kii ay waqooyiga Ciraaq ka dhacday xaalad ay dad aan waxba galabsanin ku baaba’een, kuwo arxan daranna ku abuurmeen.

Hoggaamiyihii kolonyada ayaa Khedr ka dalbaday inuu buuraha lagu dhuumanayay tago, dadkana kasoo dhaadhiciyo inay xaafadahooda kusoo laabtaan, maadaama sida ay sheegeen aysan ujeeddadoodu ahayn inay waxyeelleeyaan.

“Waan gaarsiinnay farriintaas laakiin cidna nagama aqbalin”, ayuu yiri Khedr. Mid ka mid ah dadka buuraha u cararay wuxuu ahaa walaalkiis, wuuna diiday inuu gacanta u soo galo xoogaggii IS. Kooxda IS waxaa lagu yaqaannay inay leyso ragga aysan adeegsaneynin. Khedr iyo xaaskiisu waxay ka mid ahaayeen dadka diin ahaan loo bartilmaameedsanayay, maadaama aysan muslimiin ahayn, kana soo jeedeen qowmiyadda Yaziidi.

Dhammaan dadkii u baxsaday dinaca buuraha Sinjar waxay ku dhaceen dabin dhimasho ah, waayo ma aysan heli karin biyo iyo cunto toona. Boqollaal ayaa ku dhimatay heer kulka aadka u sarreeyay ee gaarayay ilaa 50C. Kuwo kale oo godad isku qarinayayna waxaa laayay xoogagga IS.

Qoysas badan ayaa la kala dhantaalay, wiilashii yar-yaraana waxaa lagu khasbay inay tababar ku galaan xeryaha kooxda IS ay ku diyaarineysay dagaalyahannadeeda.

Raggii kale ee diiday inay diinta Islaamka qaataanna waa la wada laayay.

Jovan, saddexdeeda carruurta ah iyo qiyaastii 50 ruux oo isugu jiray haween iyo carruur ay isku xaafad ahaayeen, waxaa la saaray gaari xamuul ah. Ugu dambeyn waxaa la geeyay magaalada Raqqa ee dalka Suuriya, oo xilligaas caasimad u ahayd kooxda isku magacowday dowladda Islaamka ee IS.

“Wax awood ah uma aannaan lahayn inaan isdifaacno”, ayey tiri Jovan. Markaas ka dib seygeeda Khedr ma aysan arkin muddo 4 sano ah.

Jovan waxay durba ogaatay in goobta la geeyay ee magaalada Raqqa ku taalla ay ahayd suuq dadka lagu kala iibiyo.

Iyada iyo carruurteeda waxaa la geeyay guri saddex dabaq ka kooban, oo sidoo kale ay ka buuxeen carruur iyo haween kale – oo gaarayay qiyaastii 1,500.

Jovan waxay sheegtay inay taqaannay qaar badan oo ka mid ahaa haweenkii halkaas lagu hayay – oo qaarkood ay qaraabo ahaayeen kuwo kalena daris ahaayeen.

“Waxaan isku dayeynay inaan niyadda isku dhisno, annagoo isku sheegeyna inay mar uun dhici doonto mucjiso, oo nala sii deyn doono”, ayey tiri.

.
Dadka Yaziidiyiinta ah ayaa loo iibsanayay addoomo ahaan

Jovan waxaa loo soo bandhigay inay kala doorato raggii IS ka tirsanaa midka la siin lahaa iyada. Waxaa la raaciyay nin u dhashay dalka Tunisia, oo lagu naaneysi jiray Abu Muhajir al Tunisi, kaasoo taliye sare ka ahaa xoogaggii IS.

Wuxuu ahaa nin dhuuban, oo gar dheer leh.

Jovan waxaa laga filayay inay diinta Islaamka qaadato islamarkaana uu ninkaas “guursado”.

Maalmo ayey oyneysay. Saddex jeer ayey isku dayday inay baxsato, balse way ku guul darreysatay. Laakiin mar walba carruurteeda dartood ayey u baxsan weyneysay.

Haitham, oo ahaa wiilka ugu weyn wuxuu jiray 13 sano, laakiin Azad oo ugu yaraa wuxuu jiray 3 sano kaliya.

Mar kasta oo la qabto iyadoo baxsaneysa, Abu Muhajir ayaa qol ku xiri jiray.

“Runtii waxaan ku fikiray inay ii fiicneyd inaan isdilo, laakiin waxaan ka fikirayay carruurteyda. Maxaa ku dhici lahaa haddii aan aniga ka tago?”.

Ugu dambeyntii Jovan waxay ogaatay inaysan waddo kale u furneyn, waxayna khasab ku qaadatay diinta Islaamka.

Ilaa iyo hadda haweeneydan waxay ka argagaxdaa sheekada ku saabsan ninkii afduubka u heystay.

Laakiin waxay sheegtay in uu mar walba u oggolaan jiray inay carruurteeda la joogto, uuna u ballan qaaday inuu si wanaagsan u xannaaneyn doono dhammaantood.

Qaar badan oo ka mid ahaa carruurtii Yaziidiyiinta waa laga kaxeeyay hooyooyinkood – wiilasha waxaa loo qaaday xeryaha tababarka ciidamada, gabadhahana waxaa laga iibiyay rag u galmoonayay kuwo kalena waxaa loo qaatay shaqaalaha guryaha.

Jovan, carruurteeda iyo ninkii u dhashay Tunisia waxay u guureen guri ay dadkii lahaa ka qaxeen oo ku yaallay magaalada Raqqa. Xilligaas, IS waxay gacanta ku hayeen deegaanno badan oo ka tirsanaa Ciraaq iyo Suuriya, oo baaxaddoodu ay la ekeyd dhulka ay ku fadhiso UK, sida laga soo xigtay hay’adda la dagaallanka argagixisada ee Qaramada Midoobay.

Marka uusan Abu Muhajir dagaal ku maqneyn, wuu oofin jiray ballantiisa, wuxuuna si wanaagsan ula dhaqmi jiray carruurta Javan, isagoo u kaxeyn jiray meelo ay kusoo ciyaaraan.

Shan bilood ka dib Jovan waxay ogaatay inay uur leedahay.

Isbahaysiga uu Mareykanku hoggaaminayay ayaa duqeymo joogto ah ku hayay magaalada Raqqa. Sidoo kale, ciidamada dowladda Ciraaq iyo dagaalyahannada Kurdiyiinta ayaa weerarro culus ku hayay xoogagga IS. Ninka afduubka u heystay Jovan wuxuu aad ugu mashquulay dagaalladaas, wuxuuna doonayay inuu haweeneydan iyo carruurteeda iska sii iibiyo.

Laakiin markii uu ogaaday inay uur u leedahay wuu baddalay go’aankiisa.

7 bilood oo uur ah markii ay lahayd, Jovan waxaa loo soo sheegay in Abu Muhajir lagu dilay dagaal. Xilligaas wixii ka dambeeyayna, cunugga mas’uuliyaddiisa waxay saarnayd iyada kaligeed.

Aadan wuxuu dhashay xilli ay xulafada Mareykanku maalin kasta duqeymo ka fulinayeen magaalada Raqqa.

“Aabihiis wuxuu ahaa dilaa, laakiin isagu wuxuu kasoo go’ay jirkeyga”

Xaawa iyo Haitham ayaa hooyadood ka caawiyay inay umusho. Jovan waxay sheegtay in iyada iyo carruurteedaba ay aad u jeclaadeen cunugga kusoo biiray, inkastoo uu muuqaal ahaan aad uga duwanaa carruurta kale.

Duqeymaha joogtada ah ee magaalada ku socday waxay Jovan iyo carruurteeda ku khasbayeen inay marba guri ka guuraan.

Waxaa aad ugu adkaan jirtay inay cunto helaan, marar badanna way baahnaan jirtay si ay carruurteeda wa u siiso.

Dhibaato kasta oo soo wajahda waxay ugu dulqaadaneysay Aaadan dartiid, waayo aad bay u jecleyd.

“Wuxuu ii ahaa qof aanan ka maarmi karin. Waan ogaa inuusan seygeyga runta ah dhalin, oo aabihiisna uu ahaa dilaa, laakiin wuxuu ahaa dhiiggeysa, jirkeyga ayuuna kasoo go’ay”, ayey tiri.

.

Haddaan dib ugu laabanno Ciraaq, Khedr waxba kama uusan ogeyn cunuggan. Run ahaantii, wax war ahba kama uusan heynin qoyskiisa oo dhan. Markaas 14 bilood ayaa kasoo wareegtay xilligii la afduubtay xaaskiisa iyo carruurtiisa. Kama uusan daali jirin inuu raadiyo. Mcarruurteeda oo la sii daayay, wuu raadin jiray si uu u hubiyo inay qoyskiisii yihiin.

Ugu dambeyntii wuu helay meesha ay ku sugnaayeen. Wuxuu ku raadiyay koox dadka kala iibisa oo xoogagga IS dib uga soo gadaneysay haweenka iyo carruurta Yaziidiyiinta ah ee ay hayeen. Khedr wuxuu u baahday inuu halkii cunugba ku iibsado $6,000 oo doolar.

Haitham, Xaawa iyo Azad waxay dib ula midoobeen aabahood. Laakiin Jovan waxay Raqqa sii joogtay muddo 2 sano ah oo kale. Ma aysan hubin in Khedr uu aqbali doono wiilkeeda Aadan.

Khedr wuxuu in muddo ah ka fikirayay wixii uu sameyn lahaa. Qowmiyadda Yaziidiga waxaa u yaalla sharci adag oo dhigayay in qofkii diintooda ka baxa uusan dib dambe ugu soo laaban karin. Laakiin wadaadda qowmiyaddaas ayaa markii dmabe sharcigaas qafiifiyay, waxayna fursad siiyeen haweenkii la afduubtay ee diintooda ka baxay inay kusoo noqon karaan.

Laakiin dhibaatada kale ee jirtay waxay ahayd in cunugga ku biiri kara Yaziidiyiinta uu ahaa mid ay labadiisa waalidba kasoo jeedaan reer Yaziiddi, kaasina uu ahaa sharci adag diintooda qeyb ka ah.

Jovan waxay markaas la nooleyd haween kale oo ay ka dhinteen raggii IS. Dhammaan dumarkaas waxay ka cabsanayeen inay dib ugu laabtaan xaafadahoodii dooxada Sinjar, ceebtaas awgeed.

Qaarkood waxay heysteen carruur dhowr ah oo ay u kala dhaleen dhowr nin oo IS ka tirsanaa.

Khedr, wuxuu ugu dambeyn go’aansaday inuu carruurtiisa hooyadood dib ugu soo celiyo, wuxuuna Jovan u sheegay in Adam uu soo dhaweynayo.

Islamarkiiba Jovan waxay ku laabatay Sinjar, iyadoo wadata wiilkeeda. Laakiin dhowr maalmood ka dib xaaladdu way isbaddashay. Jovan waxay sheegtay in dhammaan qoyskeedu ay billaabeen inay kula taliyeen sidii ay cunuggaas isaga dhiibi lahayd.

“Waxay ii sheegayeen sida ay muhiim u tahay inaan diinteenna ilaalinno, iyo sida aysan bulshadeennu marna u aqbali doonin cunug uu dhalay nin muslim ah oo waliba ka tirsanaa dagaalyahannada IS”.

Sakineh Muhammed Ali Younes

Khedr wuxuu Jovan u geeyay haweeney lagu magacaabo Sakineh Muhammed Ali Younes, oo markaas maamule ka ahayd xarun carruurta agoomaha ah lagu xannaaneeyo oo ku taalla magaalada Mosul. Sakineh waxay sheegtay inay saacado la hadleysay Jovan, si ay uga dhaadhiciso inay cunugga ku wareejiso.

Waxay sidoo kale sheegtay in Khedr uu wax badan ooyay. Jovan way ku dhagtay Aadan wayna diiddaneyd inay dhiibto.

“Illin badan ayaa wajigeeda qoysay markii ay cunugga wareejineysay. Ma jiro wax ka xun marka aad cunug Yaziidi ah ka qaadeysid hooyadiis, waxay la mid tahay sidii adigoo qeyb ka goyneysid wadnaheeda”, ayey tiri.

Jovan waxaa iyadoo been loo sheegayo lagu qanciyay inay si ku meel gaar ah uga tagto cunugga, maadaama uu xanuunsanaa uuna u baahnaa xannaano caafimaad.

Sanadkii cusbaa ee Yaziidiyiinta, waxay markii ugu horreysay 4 sano ka dib qoyskeeda kala qeyb qaadatay dabaaldagyada, waxayna suuqa u aadday inay soo iibsato midabbo kala duwan oo dhaqanka Yaziidiyiinta uu dhigqayo in ukumo la mariyo.

.

Laakiin inkastoo ay dib ula midowday carruurteedii ay jecleyd, Jovan wali waxay dareemeysay inay wax weyn ka maqan yihiin. Maalmo markii ay kasoo wareegeen xilligii ay xaerunta agoomaha kasoo tagtay, waxay go’aansatay inay carruurteeda kale ee saddexda ah iska heysato. Balse waxay dareemeysay inaysan suurtagal ahayn.

“Isaga ayaan mar walba ka fikiri jiray”, ayey tiri.

“Habeen kasta waan ku riyoon jiray. Sideen ku illoobaa? Naas ayaan nuujiyay, waa cunigeyga. Adiga ayaan ku weydiinayaa: Haweenka anigoo kale ah ma khaldan yihiin? Miyaan ku khaldan nahay inaan u xiisno carruurteenna?”, ayey tiri Jovan.

Dowr isbuuc ka dib, Jovan ma aysan sii moogaan karin wiilkeeda yar. Waxay qaadatay go’aan ay dareensaneyd inuu horseedi karo inaysan dib ugu soo laabanin qoyskeeda.

Waxay carruurteeda u shegetay inay dhakhtar u aadeyso magaalada Dohuk.

Laakiin sida runta ah, waxay dib ugu laabaneysay xaruntii xannaanada agoonta.

“Aad bay u xanuun badneyd inaan iyaga ka tago, laakiin waxaan sidoo kale dareemayay inaan khiyaanay cunugeyga yar. Carruurteyda kale way koreen, [Haitham wuxuu markaas kusii dhawaa 20 jir], aabahood ayeyna heysteen. Laakiin Aadan cidna ma uusan heysanin, anigana habeen iyo maalin ayaan u xiisayay”, ayey tiri.

Markii ay Jovan tagtay xaruntii agoonta, waxaa loo sheegay Aadan inuu xanuunsanaa, oo aysan arki karin. Laakiin Sakineh waxau ugu dambeyn qirtay – labo ama saddex maalmood ka dib – in xaruntii agoomda uu khilaaf ka dhacay islamarkaana uu garsoore xukumay in qaar ka mid ah caruurta loo bandhigo dad korsada.

Sakineh waxay sheegtay in ay garsoorihii ku wargalisay in Aadan iyo 4 carruur ah oo kale aan la bixinin, maadaama laga yaabo inay hooyooyinkood dib u soo doontaan.

Balse iyadoo ay taasi jirto, Aadan dad ayaa la siiyay.

Jovan aad ayey u oysay markii warkaas loo sheegay. Ma aysan awoodin inay dib ugu laabato gurigeeda, taas baddalkeedana waxay aadday xero qaxooti oo lagu xareeyo dumarka, oo ku taalla waqooyiga Ciraaq.

Dhowr bilood ka dib, Khedr ayaa ogaaday meesha ay joogto, wuxuuna u diray farriin uu ugu sheegayay inaysan dib dambe u arki karin carruurteeda.

Khedr wuu murugeysnaa laakiin ma uusan jixinjixeynin.

Wuxuu sheegay in cunugga yar uusan dambi lahayn balse haddana aan dhinaca kale la aqbali karin cunug uu dhalay nin ka tirsan dadkii ehelkiisa laayay.

Jovan carruurteeda waaweyn way ku kala qeybsameen arrinta ku saabsan nolosha hooyadood. Wiilkeeda curadka ah ee Haitham wuxuu taageersan yahay fikirka aabihiis, wuxuuna diiday inuu walaal ahaan u aqbalo cunug uu dhalay nin xubin ka ahaa IS.

Laakiin Xaawa, oo ah gabadhii dhabteeda ku hurdisiin jirtay Aadan markii ay Raqqa joogeen, aad bay u naxariis badan tahay wayna aqbashay.

Jovan ma aha hooyada kaliya ee ay arrin noocaas ah ku dhacday. BBC-da ayaa la hadashay ilaa 20 haween oo kale oo reer Yaziidi ah, kuwaasoo carruur u dhalay dagaalyahannadii IS.

Jovan hadda waxay sheegeysaa inay nolol adag ku jirto.

“Mararka qaar waxaan ku fikiraa in noloshan ay ka fiicneyd tii aan ku jirnay markii ay IS gacanta nagu hayeen, sababtoo ah markaas ugu yaraan waxaan heystay carruurteyda oo dhan”, ayey tiri.

.

Laakiin waxay na naxsan tahay in saddexdeeda carruurta ah ay waligeed dib ula kulmi weyso.

“Waxa ugu weyn ee aan ka cabsanayo waa in carruurteyda ay i hilmaamaan, ama ay i cafin waayaan, waayo waan ka tagay, laakiin mar walba waxaan isku qanciyaa inaysan hooyadood illoobi doonin”.

Sida ay sheegtay Sakineh, Jovan waxay awood u leedahay inay Aadan kasoo ceshato dadka loo siiyay inay korsadaan, maadaama ay tijaabada DNA-da ku caddeyn karto inay hooyadiis tahay.

Rajada kaliya ee ay qabto waa in maalin uun ay iyada iyo carruurteeda dib u midoobi doonaan.

“Waxaan ku rajo weynahay in maalin uun Ilaahay uu ii naxariisan doono, ka dibna aan is arki doonno ilamaheyga”, ayey tiri.

Xigasho: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here