Hooyo lagu soo eedeeyay dilka wiilkeeda oo maxkamad la soo taagay

Meydka Dylan Freeman

Hooyo maxkamad ka soo hor muqatay kaddib markii lagu soo eedeyay iney dishay wiilkeeda oo 10 sano jir ahaa kaasi oo isagoo meyd ah lagu arkay gurigooda oo ku yaalla galbeedka magaalada London.

Meydka Dylan Freeman ayaa waxaa lagu arkay dhisme ku yaalla Cumberland Park, kaddib markii hooyada dhashay wiilka ay saacadihii hore ee Axadda wacday booliska.

Olga Freeman, oo 40 sanno jir ah ayaa ka soo muuqatay maxkamadda Uxbridge waxaana loo dhaadhiciyay xabsiga. Wiilka aabihii oo lau magacaabo Dean Freeman ayaa waxa uu canuga ku qeexay inuu ahaa “qof maskax furan oo quruxbadan”

Waxa uu sheegay inuu jeclaa safarka iyo dabbaasha. “Ma soo koobi wanaagiisa, aad ayayna ii taabatay geeridiisa,” ayuu intaasi ku sii daray.

Afhayeen u hadlay Mr Freeman ayaa sheegay in sawirqaadaha caanka ah ee wiilka dhalay uu dalka Spain ku maqnaa markii ay dhacadada soo if-baxday. “Markii uu maqlay dhacdadan xanuunka badan aad ayuu u naxay.”

Shaqada Dean Freeman waxaa ka mid ah inuu olole u sameeyo xidigta Bollywood Deepika Padukone iyo jilaaga Hollywood Bradley Cooper.

Olga Freeman ayaa waxay maxkamadda dib uga soo muuqan doontaa 19-ka Ogost.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here