Hotel SYL: Al-Shabaab oo sheegatay khasaare ka badan kii DF baahisay iyo magacyada dadkii

shabaab sarkaal

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii xalay, hoteel SYL ee magaalada Muqdusho.

Weerarka oo ay fuliyeen illaa shan nin ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay ku dishay ugu yaraan 25 xubnood oo isugu jiray mas’uuliyiin, shaqaale, saraakiil iyo askar.

Sidoo kale waxa ay sheegtay in dhaawaca uu gaarayo illaa 39 qof oo u badan dad u shaqeynayey hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaacisay magacyada qaar ka mid ah dadkii ku dhintay weerarka iyo kuwii ku dhaawacmay.Dhimashada:

1-C/Qadir Cumar Cabdi oo ahaa Garsoore ka mid ah maxkamadda racfaanka

2-Maxmuud Ismaaciil Muuf oo ahaa taliyaha ciidamada madaxtooyada

3-Cali Daahir Salaad oo ahaa Sarkaal ka tirsan wasaarada Dastuurka

4-Fu’aad Ugaas Yacquub oo ahaa Sarkaal ka tirsan Bankiga Dhexe

5- Nin magaciisa lagu soo koobay Ibraahim oo ahaa agaasimaha waaxda dhaqan celinta Wasaaradda Amniga

6-C/Qani Cumar Maxamuud oo ahaa Sarkaal ka tirsan Wasaarada Dekadaha

7-Liibaan Nuur Cali oo ahaa Sarkaal katirsan Police-ka loo yaqaano HaramCad

8-Ilyaas Carab oo ahaa Sarkaal ka tirsan hay’adda Nabada sugidda

9-Booc Booc oo Ka mid ahaa ilaaliyada Madaxtooyada

Dhaawaca:

1-Maxmuud Cali Magan oo ah Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Federalka

2-Xasan Isaaq Yacquub (Gees Cade) oo ahaa xildhibaan hore iyo Waziir hore oo katirsanaa maamulka JUBBALAND

3-C/Qaadir Cali Cumar oo ahaa Waasiir Arimaha Gudaha ee Hore

4- C/Xamiid C/Kariim oo ah Gudoomiye ku xigeenka degmada Boondheere

5-Aadan Dhagool oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

6-Cali Maxamed Cali oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

7-Xusseen Xiirey oo ah Sarkaal katirsan shaqaalaha baarlamaanka.

Warkaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay in waxyeeladu ay intaasi ka badan karto, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan khasaaraha guud ee jira.

Dowladda federaalka Soomaaliya, afhayeen u hadlay ayaa horay u sheegay in weerarka lagu dilay shan qof oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah, sidoo kalena la toogtay dhammaan xubnihii dagaalka soo qaaday oo gaarayey iyana illaa shan nin oo hubeysnaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here