Howlgal lagu dilay xunbno Shabaab ka tirsanaa kuwo kalena lagu qabtay oo ka dhacay Jubbada Hoose

shabaab jamaame

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay si wadajir ah ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ay saaka uga sameeyeen gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxa ay ciiamadu ka fuliyeen duleedka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

Mid ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ciidamada huwanta howlgalkaasi ay ku dileen illaa shan ka tirsanaa Al-Shabab, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen afar kale.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay la wareegeen tuulooyinka Heynerow, Soomarey, Janal Ajey iyo Yirey oo dhammaan hoostaga magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi.

Dhaq dhaqaaqyo Milatari oo culus ayaa laga dareemayaa degaamadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here