Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya oo mudo kordhin loo sameeyey

ciidamada amisom

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa u codeeyay in howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM loo cusbooneysiiyo waqtiga, taas oo ka dhigay in ciidanka AMISOM ay sii joogeyso Soomaaliya sanado kale.

Ciidankan nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay dalka la keenay sanadkii 2007-dii.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda Ingiriiska dhammaan xubnaha Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyey in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

“Howlgalka Midowga Afrika ee UN-ku igmaday ee ku sugan Soomaaliya waxuu ka shaqeynayaa sidii loo dhisi lahaa awoodda ay Soomaaliya u leedahay nabadeeda iyo horumarkeeda,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay QM.

Waqtiga ay sharciga u heysteen inay sii joogaan Soomaaliya ayaa ku ekaa 28-ka bishan Febraayo, waxaana loogu hordhiyey hal sano.

Ciidanka AMISOM ee hadda ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa gaaraya ku dhowaad 20,000 oo askari, waxayna ka kala socdaan dalalka Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Burundi.

Sidoo kale ciidanka AMISOM waxaa qeyb ka ah boolis ka socda lix dal oo kala ah Zambia, Uganda, Ghana, Kenya, Nigeria iyo Sierra Leone dhamaan dalalkan oo ku yaalla qaaradda Afrika waxay ciidankan ugu deeqeen Soomaaliya, si nabad loogu soo dabaalo.

AMISOM waxay taageero siisaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, waxayna koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ka howlgeleysay tan iyo 19-kii bishii Janaayo ee sanadkii 2007-dii.

Waxaa xusid mudan in marar badan sidaan oo kale waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya loogu kordhiyey AMISOM, sababtuna waa in ciidanka xoogga Soomaaliya uusan u diyaarsaneyn inuu la wareego ammaanka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here