HRW oo shaacisay xadgudubyada ciidamada Kenya u geystaan Soomaalida ku dhaqan xaduuda labada dalka

kenyan army

Warbixin dheer oo kasoo baxday hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya gaar ahaan kuwa militryga ay xad gudubyo xad dhaaf ah u geystaan dadka Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka ku yaala xaduuda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixintaan oo aad u dheer laguna qoray wargeyska Washington Post ayaa lagu sheegay inay xad dhaaftay dambiyada ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ee ay u geystaan ciidanka Kenya dadka Soomaaliyeed marka Al-Shabab weerar geysto.

Hay’adda Human Rights Watch waxay warbixntaan ku sheegtay inay diwaan galisay in ka badan 88 kiis oo ay ciidamada Kenya geysteen.

Meesha ay warbixintaan sida gaarka ah u dul istaagtay waa tuulo la yiraahdo oo ka tirsan ismaamulka Mandheera.

Tuuladaan dadka ku nool waxay ku joogto u yihiin cabsi ay qabanaan ciidamada militryga Kenya ee KDF loo yaqaan kuwaasoo dila xira jir dilna u geysta dadka magaalada marka la weeraro ayagoo jidka maraya.

Magaaladaan ceelashii biyaha waa laga xabaalay waxaana ay u doontaan meelo fog fog waxaana dhibaatadaas u geystay ciidamada Kenya.

Mar kasta oo ay maqlaan in ciidamada gaadiidkoodu kusoo dhaw yihiin waxaa laga baxaa magaalada habeenkiina si dareen leh ayaa lagu joogaa sida ay sheegeen dadka degan.

In ka badan inta ay ka qabaan Al-Shabab ayay naftooda kala baqaan ciidamada Kenya dadka Soomaaliyeed ee xaduuda degan ayaa lagu yiri warbixintaan lagu daabacay wargeyska The Washington Post ee Maraykanka kasoo baxa.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in 8 sanno ee ay ciidamada Kenya ku sugan yihiin Soomaaliya inay aad u bartilmaameysteen dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan markii ciidamadu la kulmeen weeraro Al-Shabab kaga yimiid.

Ciise Axmed waxaa uu ka yimid yahay dadka degan tuuladda Ceel Kutulo la yiraahdo waxaana uu u sheegay guddiga warbixintaan diyaarshay in cabsi darteed ay qoteen godad ay ku dhuuntaan.

“Waan cararnaa oo dhuumanaa mar kasta oo aan helno war sheegaya in ciidamadu soo socdaan” ayuu yiri Ciise.

“Dadka halka degan waa muwaadiniin Kenyan ah haddana cabsi ka badan tan aan ka qabno Al-Shabab ayaan ciidamada Militryga ka qabnaa” ayuu sidoo kale yiri.

Guddiga ka socda hay’adda Human Rights Watch waxay sheegeen inay la kulmeen shaqsiyaad inta ciidamada Kenya xireen oo lasii daayay hase ahaatee cabsi diiday darteed diiday inay ka hadlaan wixii ay la kulmeen.

“Ciidamada Kenya wixii doonaan ayay sameeyaan mana jirto cid la hadasha ama na celisa”  waxaa sidaas yiri nin kale oo dadka degaanka ah oo la yiraahdo Max’ed Cilmi.

Max’ed waxaa uu adeer u yahay C/qaadir Cilmi oo 34 sanno jir ahaa oo ay ciidamada Kenya dileen markii miino loo dhigay kolonyadooda meel yuuladooda u dhaw.

Ninkaan waxaa uu sheegay inay habeenkii ayagoo dareen qaba seexdaan.

Cadaadiska ay ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida dhulkooda ay Kenya maamusho waxay keentay in dhalinyaro badan ay hubka qaataan ama ay ku biiraan Al-Shabab.

Xoggo wargeyska aanu xiganayno ee Washington Post helay waxay muujinayaan in boqolaal dhalinyaro ah oo deganaa Kutulo ku noolaa ay carro darteed Al-Shabab ugu biireen.

Sababta wargeysku waxaa uu ku sheegay inay tahay kadib markii ciidamada Kenya ay degaankaas ka xireen macalin dugsi Qur’aan maalmo kadibna meydkiisa lasoo dhigay degaan kale ee u dhaw oo la yiraahdo Caws Mudul.

Meydka macalinkaas waxaa la dhigay meel waddo dhinaceed ah.

Human Rights warbixintaan ay diyaarisay oo ay ku magacawday xad gudubyada bustaha ku hoos jira waxay sidoo kale ku sheegtay in ciidamada Kenya ay gacantooda willi lagu tuhmayo toboneeyo ruux oo aan willi raqdooda iyo ruuxdooda la helin.

Dawlada Kenya waa ay dafirtay eeda loo soo jeediyay sida ay shaaciyeen guddiga qaran ee xaquuqda aadanaha Kenya.

Haweeneyda guddigaan madaxda u ah Jedidah Waruhiu ayaa sheegtay inay jirin eeda ciidamada Kenya loo jeediyay waxaana ay intaa ku dartay inuu jirin wax xog ah oo xafiiskooda soo gaaray.

Jedidah Waruhiu waxay xustay waxay ku eedeysay dadka degan tuuladda warbixintu xustay inay diideen inay la shaqeeyaan guddi baara kiiskooda oo loo diray sidoo kalena ay ka jawaabi waayeen su’aalo arrintaan laga weydiiyay.

Wargeyska Washington Post waxaa uu sheegay inuu ogaaday in dawlada Kenya ay diiday inay la shaqayso guddiga xaquuqda aadanaha ee QM ka socday.

Dawlada Maraykanka oo ciidamada Kenya ka caawiya dagaalka ay Al-Shabab kula jirto ayaa sheegay inay ka naxeen warbixintaan waxaa ay sheegeen inay baarayaan.

Afhayeen u hadlay taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika Desiree Frame  ayaa sheegtay inay ciidamada Kenya baraan illaalinta xaquuqda aadanaha.

Dadka falanqeeya arrimaha amaanka waxay aaminsan yihiin in haddii ay ciidamada Kenya sii wadaan dhibaatada ay u geysanayaan dadka shacabka ah ay cadowgooda badsanayaan waxaana ay keenaysaa in  Al-Shabab ka faa’idaysto oo ay dhalinyaro badan qoraan.

Dhawr mar ayay soo baxday eeda ah in ciidamada Kenya ay ku xad gudbaan dadka shacabka ee ku nool magaalooyinka xaduuda ku yaala iyo xataa gudaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here