ICJ oo soo saartay jadwalka dhageysiga dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya

ICJ hague

Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee marka magaceeda loo soo gaabiyo loo yaqaan ICJ ayaa shaacisay jadwal ku aadan dhageysiga dacwadda badda eedhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.

Qoraal kasoo baxay maxkamaddda ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda uu si toos ah u bilaaban doono 15-ka bishan March, waxaana dooda ku horreyn Soomaaliya.

Sidoo kale ICJ ayaa shaaca ka qaaday in wareega koowaad ee dhageysiga dacwadda uu socon doono 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

Jadwalka ayaa sidoo kale lagu muujiyey in wareera labaad ee dacwadda dib la’isugu soo noqon doono 22-ka, islamarkaana ay doodo socon doonto illaa 24-ka bishan March.

Wareega Koowaad

Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya).

Wareega Labaad

Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya).

Si kastaba Soomaaliya ayaa dirsatay guddiga gaar ah oo u qaabilsan dhageysiga dacwadda, kuwaas oo haatan ku sugan magaalada Hague, waxaana hoggaaminayo sii-hayaha ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here