IGAD oo ammaanay dhismihii baarlamaanka Galmudug iyo doorashadii maanta Dhuusamareeb ka dhacday

igad

Qoraal ka soo baxay Urur goboleedka IGAD ayaa si taxadar leh loogaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee dowlad goboleedka Galmudug.

Ururka goboleedka IGAD oo aan si toos ah ugu hambalyeyn Madaxweynaha maanta lagu doortay Dhuusamareeb,hase yeeshee waxa qoraalka lagu cadeeyay in ururku uu si dhow ula socday siyaasada Galmudug.

“Waxaa uu ururka IGAD uu si weyn ula socdaa arrimaha Galmudug laga soo bilaabo shirkii IGAD ay qabanqaabisay ee ay ku heshiiyeen Maamulka Galmudug iyo Ururka Ahlu Sunna taasoo horseeday in Ahlu Sunna ay qeyb ka noqoto baarlamaanka Galmudug.”ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ka soo baxay IGAD ayaa lagu sheegay in ururku uu si weyn ula socday uuna ku ammaanayo qeybaha kala duwan ee arrimaha Galmudug iyo dowlada federalka dhisidii baarlamaanka Galmudug iyo weliba doorashadii maanta ka dhacday Dhuusamareeb.

Ugu dambeyntii IGAD ayaa ku baaqday in la ilaaliyo xasiloonida Galmudug isla markaana la ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta.

Halkan hoose ka aqriso qoraalk IGAD;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here