Iiraan oo faah-faahin ka bixisay qaabkii ay u soo ridday diyaaraddii Rakaabka

burbur ukraine international

Militariga Iiran ayaa waxay sheegeen in “si aan ula kac ahayn oo kama ah ” ay u soo rideen diyaarad rakaab oo laga lahaa Ukrainian,sida uu baahiyay telefishinka qaranka Iiraan.

Baaaritaan la sameeyay ayaa muujinaya “in Gantaalkan si qaldan diyaaradda loogu riday”, waxaa sidaasi sheegay madaxwayne Xasan Ruuxaani.

Waxa uu intaa ku daray in arrintan ay ahayd “qalad aan la hilmaami doonin”.

Militariga Iiraan ayaa waxay sheegeen in diyaaradan ay ku soo dhawaatay goob xasaasi ah oo ay leeyihiin ilaalada Kacaanka Iiraan islamarkana loo maleeyay in ay tahay diyaarad cadow.

Iiraan ayaa horey u diiday wararka sheegayay in ay masuul ka ahayd burburka diyaaradda..

Diyaaradda oo laga lahaa Ukraine ayaa waxay burburtay Arbacadii waxaana ku dhintay dhamaan rakaabkii saarnaa oo dhanaa 176.

Dalalka Mareykanka, Canada iyo Ingiriiska ayaa sheegay horey u sheegay in diyaarada ku dhacday Iran uu ku dhacay gantaal ay rideen ciidanka dalkaas.

Caddeymo ay heleen dalalkaas ayaa muujineyay in gantaal ay riday Dowladda Iran uu soo riday diyaaraddii Ukarine ee ay saarnaayeen dadka rayidka ah, taas oo ku dhacday duleedka caasimadda Tehran.

Ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska ayaa sheegay jimcihii in loo baahan yahay in baaritaan qotodheer lagu sameeyo waxa sababay shilka diyaaradda oo ay ku dhinteen 176 qof ee saarnaa.

Trudeau ayaa sheegay in ay hayaan maclumaad dhanka sirdoonka ah oo ku aadan arrintaas.

“Caddeymo aan ka helnay sirdoonka xulafadeena iyo kuweenaba waxay muujinayaan in diyaaradda dhacday uu soo riday gantaal ay gantay Iran, waxayna arrinta ahayd mid si ula kac ah loo sameeyay”, ayuu ra’iisul wasaaraha Canada.

Balse Iiraan ayaa xilligaasi diiday in ay diyaaradda soo dhacday ka dib markii ay gantaal ku tideen/.

Diyaaraddan oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee dalka Ukraine ayaa dhacday saacado un kadib markii Iran ay weerartay saldhigyada Mareykanka ee gudaha dalka Ciraaq.

Sidoo kale warbaahinta Mareyknka ayaa tabisay in dowladda Iiraan ay si kama’ ah u soo ridday diyaaraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here