Iiraan: ugu yaraan 40 qof oo ku dhintay isbuurasho ka dhacday Aaskii Qasem Soleimani

Qaasim Suleymaani

Wadanka Iran Afartan qof ayaa dhintay kadib markii ay neefto ku dhagtay goobta ay ku sugnaayeena ay noqotay mid cidhiidhi ah, waqti ay ka qayb galayeen aaska Gen. Soleimani oo todobaadkii hore ay ciidamada cirka ee Maraykanku ku dileen duqayn

Dhimashadan Afartanka qof ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Kerman ee lagu aasayay mayda Gen Qasem Soleimani, waxaana ay tani sababtay in aaska dib loo dhigo, ilaa hadana aan la cayimin waqtiga la aasi doono.

Pirhossein Koolivand oo ah madaxa howlaha gurmadka degdega ah ee wadanka Iran ayaa u sheegay warbaahinta Iiraan in “213 qof ay ku dhaawacmeen 40 kalena ay ku naf waayaan goobta uu aasku ka dhacayay, sababta oo ah buuq ka dhashay saxmada dadka ka soo qaybgalay aaska”.

Malaayiin dad hore lagu qiyaasay ayaa xidhay wadooyinka Tehran waqti maalintii shalay maydka lagu tukunayay salaad Jinaaso ah.

Dilka Soleimani wuxuu sare u qaaday cabsida laga qabo isku dhac dhex mara Mareykanka iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here