Ilhaan Cumar oo dhac ku tilmaantay qorshaha Trump ee nabadeynta Bariga Dhexe

ilhaan cumar iyo trump

Ilhaan Cumar oo ka tirsan aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa ku tilmaantay qorshaha nabadda Bariga Dhexe ee uu soo bandhigay madaxweyne Trump ‘mid dhac ah oo aan aheyn qorshe nabadeed’

Ilhaan ayaa sheegtay in qorshaha nabadeed ee Trump aan loo dhaneyn isla markaasna ay aheyd in dhinac kasta laga qeybgeliyo qorshaha nabadda.

“Intii lagu sameyn lahaa soo jeedin xil ka qaadis ah oo la dacweyn lahaa labadan hogaamiye ee lagu dhagan yahay inay gaaraan qorshe nabadeed, waana arrin ceeb iyo khiyaano ah” ayay tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Waxay arrintani kusoo begmeysaa xilli Trump uu aqalka cad ku qaabilay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu halkaas oo uu ka sheegay in qorshihiisu “noqon karo fursaddii ugu dambaysay” ee Falastiiniyiintu helaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here