Ilhaan Cumar oo ka baxday heshiiskii ay kula jirtay shirkadda ninkeeda

ilhan omar iyo tim mynett

Saacadihii u dambeeyey waxay warbaahinta reer Galbeedku aad u hadal haysay sheeko ku saabsan gabadha Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka inay xiriirkii shaqo u jartay shirkadda la talinta dhinaca siyaasadda ee uu leeyahay seygeeda ay dhawaan guursatay.

Ilhaan Cumar ayaa dhawaan mar kale ku guuleysatay xubinnimada Golaha Congress-ka ee ay ku matasho gobolka ay Soomaalida ku badan yihiin ee Minnesota.

Maalintii Axada ee todobaadkan ayey Ilhaan ku dhawaaqday go’aanka ay xiriirka dhaqaale ugu jartay shirkadda E Street Group, oo uu leeyahay seygeeda Tim Mynett, sida ay wargeysyo kala duwan qoreen.

Wakaaladda wararka ee Associated Press oo ka mid ah warbaahinta wax ka qoray sheekadan ayaa sheegtay in Ilhaan ay go’aankaas u sababeysay si ay taageerayaasheeda ugu caddeyso in aysan jirin arrin gaar ah oo kala dhaxeysa shirkaddaas.

Email ay Ilhaan Cumar u dirtay taageerayasheeda ayaa erayada ku qoran waxaa ka mid ahaa, “Waxaan go’aansannay inaan baabi’inno qandaraaskii aan kula jirtay shirkadda Tim iyo Will. Halka taageerayaal badan oo aan isu dhownahay, si fiicanna u yaqaanna labadaas ay soo jeedinayaan inaan la sii wadno wada shaqeynta – Anigu waxaan doonayaa inaan qof walba oo taageersan ololaheenna, waqti iyo dhaqaalena ku bixiya u xaqiijiyo in aysan jirin cillad ku jirta taageeradaas.”

Wararka ayaa intaas ku daraya in ololaha Ilhaan uu sidaas kusoo afjaray wadashaqeyntii uu la lahaa E Street Group, kaddib markii ay kala qeyb-sadeen lacag ku dhow $3 milyan oo dollar.

Ololaha Ilhaan ayaa ahaa macmiilka ugu weyn ee shirkadda Tim Mynett, wuxuuna soo tabiyay inuu sanadkan gidihiisa oo kaliya shirkaddan siiyay ilaa $1.1 milyan oo dollar, oo loogu sameeyay xayeysiimo iyo la talin dhinaca siyaasadda ah.

Warbaahinta qaar ayaa shaacisay in ilaa bishii July ee sanadkii 2019-kii uu ololaha Ilhaan shirkadda Tim siiyay lacag ku dhow $2.8 milyan oo dollarka Mareykanka ah.

Ilhaan Cumar ayaa bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay guursatay la taliyaheedii dhinaca siyaasadda, Tum Mynett, markaas oo ay shirkaddiisana isbahaysi la sameysatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here