Ilhaan Cumar oo war kasoo saartay dacwada NISA ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf

ilhan omar4

Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa ka hadashay dacwadda ay hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ay sheegtay inay ka gudbisay weriye Haaruun Macruuf oo ka tirsan laanta Af-Soomaaliga ee idaacadda Codka Mareykanka ee VOA.

23-kii bishan, Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliay, ayaa qoraal kooban oo dhigtay barta twitter-ka ku tiri “NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista gal-dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon.”

Qoraal ay Ilhaan soo saartay ayey arrintan ku qeexday “olole cabsi gelin ah, oo aad looga walaaco, islamarkaana aan la aqbali karin.”

“Ololaha cabsiga gelinta ee ka dhanka ah Haaruun Macruuf waa kuwa si qoto-dheer looga wel-welo. Weeraradan, iyo sidoo kale xarigii 14-kii April loogu gaystay weriye Cabdicasii Axmed Gurbiye ka warramidiisa saameynta COVID-19 ee Soomaaliya, waa xadgudub aan la aqbali karin oo lagu sameeyey xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka,” ayey tiri Ilhaan.

Hoos ka aqrio qoraalka Ilhaan oo dhameystiran.

“Shaqadayda kamid ahaanshaha aqalka arrimaha dibadda ee xubnaha Xildhibaanadda, Ilaalinta xaquuqda iyo xorriyaddaa saxaafaddu waxay ka mid yihiin arrimaha aan siyaasad ahaan iyo sharci ahaanba u aaminsanahay. Haddii ay noqon lahayd in caddaalad loo helo dilkii Jamal Khashoggi, uqareemidda in xabsiyada laga sii daayo suxufiyiinta xabsiyadda ku jira amaba dhawrista xaquuqda jiritaanka saxaafadda madaxa banaan inay ka hadlaan arrimaha gudaha wadankan si aan cabsi lahayn, Kamana reebana aragtidayda ku aadan in saxaafadda xorta ahi ay aasaas u tahay umad leh qaab demoqoraadi ah.

“Hanjabaadaha joogtada ah ee hayada Nabadsugidda Soomaaliya ay kula kacday wariye Harun Macruf waa wax aan aad uga calool xumaaday. Ladagaalankaan oo ay kamid ahayd tii lagu xiray Iyana 14kii bisha afaraad Abdiaziz Ahmed Gudbiye asagoo kasoo waramaya cudurka caabuqa ee COVID-19 ee Soomaaliya maahan arrin la aqbali karo, waana xadgudub xaqqda bini’aadanka ah.

“Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxay qayb ka ahayd is hortaaga xaquuqahaas iyo xadgudyadda lagula kaco saxaafadda sanaddihii lasoo dhaafay. Waxaan si joogtay isu garab istaagay sidii daymaha looga cafin lahaa Soomaaliya si loogu tilaabsado horumar waara. Waxaase sii kordhayay caga juglaynta, cabsigalinta, iyo xariga saxufiyiinta ay ka midyihiin Harun iyo Abdiaziz ayaa wuxuu kamid yahay dib u dhaca saxaafadda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here