Ilhaan oo doorashadeedii kadib cambaareyn kulul u jeedisay maamulka Israel

Ilhan omar

Ilhaan Cumar oo markale dib loogu doortay xubinimada Congress-ka Mareykanka ayaa doorashadeeda kadib, cambaareyn xoogan u jeedisay maamulka Israel oo maalmihii dambe burburin ka waday dhulka Falastiin.

Ilhaan oo qoraal kooban soo saartay ayaa sheegtay inay Israel dhibaato ku heyso dadka Falastiiniyiinta ah, islamarkaana ay burburisay guryo ay daganaayeen dad rayid ah.

Sidoo kale waxa ay ku eedeysay Israel inay xad-gudub weyn oo dhambi ah ka geysaneyso daanta Galbeed.

Waxaa sidoo kale intaasi raacisay, hadii Mareykanka uu ka aamusu tacadyadaasi inuu qeyb ka noqonayo dambiyada caalamiga ah ee la galayo

“Waxa socda waa xadgudub weyn oo dambi ah haddii Maraykanku ka aamiso waxay la mid noqoneysaa iney ka qeyb qaadaneyso dambiyada caalamiga ah ee la galayo.” ayay tiri Xildhibaan Ilhaan Cumar oo qoraal soo saartay.

Si kastaba Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa marar badan qalabka warbaahinta ka weerartay maamulka Israel oo siyaasad ahaan isku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here