Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa barteeda Twiiter-ka kaga falcelisay amar uu madaxweyne Trump duqeyn dhanka cirka ah ugu dilay Jeneraal Qaasim Sulaymani oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds.
Social embed from twitter

So what if Trump wants war, knows this leads to war and needs the distraction?
Real question is, will those with congressional authority step in and stop him? I know I will. https://twitter.com/chrismurphyct/status/1212913952436445185 …Chris Murphy✔@ChrisMurphyCTSoleimani was an enemy of the United States. That’s not a question.
The question is this – as reports suggest, did America just assassinate, without any congressional authorization, the second most powerful person in Iran, knowingly setting off a potential massive regional war?65K6:44 AM – Jan 3, 2020Twitter Ads info and privacy33.5K people are talking about thisWarbixinReport this social embed, make a complaint
Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in Qasem Soleiman ay ku dileen duqeyn dhanka cirka oo ka dhacday meel aan ka fogeyn garoonka diyaardaaha ee Baqdaad ee dalka Ciraaq.
Telefishenka Dowladda Ciraaq ayaa sidoo kale baahiyay in Jeneraal Soleimani uu kamid ahaa dhowr qof oo lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah.
Sarkaal katirsan Dowladda Mareykanka ayaa wakalaadda wararka ee Reuters u sheegay in ay fuliyeen duqeynta, laguna bartilmaameedsaday kooxo taabacsan Iran.
“Iyagoo ambaqaadaya amarka Madaxweynaha, ciidamada Mareykanka waxay qaadeen tallaabo wax iska cabin ah oo lagu difaacayo shaqalaaha Mareykanka ee gobolka, waxaana ay dileen Jeneraal Qasem Soleimani,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka.