Ilhan Cumar: Trump xilka isagaa iska qaadayo marka la fiiriyo khaladaadkii uu sameeyay

ilhaan cumar iyo trump

Dadka sida adag u dhalleeceeya Trump waxay ku eedeynayaan in uu awoodda xilka madaxweynaha u adeegsaday in uu ku handado Ukraine, si ay u soo saaraan macluumaad dhaawaca sumcadda ninka siyaasadda ay ku loollamayaan ee Joe Biden, oo ka tirsan xisbiga Dimuquraaddiga.

Qorshaha la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne Donald Trump ayaa la sheegay in uu ka yimid madaxda sare ee xisbiga dimuqraaddiga, waxaana afhayeenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi ay sheegtay in Madaxweynaha uu la kulmaa isla xisaabtan dhab ah.

Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan aqalka Kongreska ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Trump uu isaga xilka iska qaadayo marka loo fiiriyo khaladaadka uu sameeyey sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhaan oo wareysi dheer siisay Telefishinka CNN ayaa sheegtay in xil ka qaadista Trump loo marayo dhanka Sharciga, waxayna madaxweynaha ku eedeysay inuu jabiyey Sharciga Mareykanka.

” Waxay u muuqataa inuu Madaxweynaha sharciga ka sareeyo marka loo fiiriyo dhacdadaan” ayey tiri.

Waxay ugu dambeyn sheegtay inay ka go’an tahay sidii loo sii wadi lahaa qorshahaan xilka looga qaadayo Trump, iyadoo caddeysay in Afhayeenka aqalka Kongreska Nancy Pelosi ay ka go’an tahay sidi xilka looga qaadi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here