Ilkacase oo ka sheekeeyey sida ay u fuliyeen dilkii Aamina Xuseen ee ka dhex dhacay fasalka

ilkacase shabaab

Maxamed Xaaji Axmed oo ahaa horjooge ka tirsan kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan xukuntay maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida Soomaaliya ayaa ka sheekeeyey sidii loo dilay Aamina Xuseen Xasan oo Septemner 21, 2018-kii lagu dhex toogtay gudaha Jaamacadda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho.

Aamina ayaa aheyd baare ka tirsaneyd NISA, islamarkaana gacanta ku heysay kiiska Maxamed Xaaji oo loo yaqaano (Ilkacase) markii markaan ka horreysay ee la xiray.

“Aamino meel aan ku arki lahaa aniga ma dhaafeen ciil dadka u qabay kow ayaan ka ahaa” ayuu yiri Maxamed.

Ilkacase oo ka soo muuqday barnaamjika Gungaar ee Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in Aamino ay xaniinyaha qabatay rag badan intii ay meesha joogtay, islamarkaana ay wax badan haleysay, sida uu hadalka u dhigay.

“Aamina rag fara badan ayaa horta ay xaniinyaha qabatay intii ay meesha joogtay wax badan ayey haleysay” ayuu ku yiri wareysiga laga qaaday ee Gungaar.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kooxda dilka fulisay uu isagu geeyey Jaamacadda, islamarkaana ay hageysay qof dumar ah oo Fasalka ku jirtay, isna garanayeen mid ka mid dilayaasha.

“Waxaan shaki igaaga jirin Aamina inuu qof dumar ah oo galaaska la fadhiday ay hadalka gudbisay, tilmaamtana ay bixisay.” ayuu yiri isagoo sharaxaad ka bixinayey qaabka uu u dhacay dilkaas oo ahaa mid qorsheysan.

Maxamed Xaaji Axmed ayaa tilmaamay inay dilka fuliyeen illaa saddex qof oo uu magacyadooda ku kala sheegay Ugaaska oo la baadi goobayo, Cabdullaahi Kuusane oo isna ka maqan gacanta dowladda iyo Maryan oo hubka u siday, islamarkaana ah hooyada Cabdulaahi Kuusane, kadibna uu sidaas ku dhacay howlgalka.

Qofka dumarka ah ee fasalka dhex fadhiday ayuu sheegay in markii dilka la fulinayey ay soo kacday kadibna qof banaanka joogay lasoo hadashay. Kadib waxa uu sheegay in qofkii dilka fulinayey uu fasalka soo galay, qofna uu albaabka istaagay si uu dadka uga ilaaliyo, halka qofka dumarkana ay markii hore fasalka ku dhex jirtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here