IMF oo soo saartay warbixin farxad galisay Soomaaliya iyo Wasiir Beyle oo ka hadlay

imf

Warbixin dheer oo ka soo baxday hay’adda Lacagta adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano (IMF) ayaa waxaa looga hadlay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya iyo guullo hor leh oo laga gaaray.

IMF ayaa shaacisay in dowladda federaalka ay ka gudubtay dib u eegista labaad wejigiisa 4-aad ee deyn cafinta loo sameynayo Soomaaliya.

Sidoo kale hay’adda ayaa ku ammaantay xukuumadda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda maaliyadda, sida ay xoogga u saartay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Warka ka soo baxay hay’adda IMF ayaa sidoo kale lagu sheegay in guushaani ay ku timid, kadib dadaallo badan oo ay sameysay dowladda Soomaliyeed.

Dhinaca kale wasiirka maaliyadda, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa soo dhoweeyey warbixinta IMF, isagoo xusay inay tahay guul u soo hoyatay Ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Beyle ayaa carabka ku dhuftay inuu si guul ah ku soo dhamaaday hanaankii SMP4 oo ahaa wejigii 4-aad ee shuruudaha deyn cafinta Soomaaliya.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in tallaabadaan ay muujineyso, sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta maaliyadda, si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

“Tani waa tilaabo weyn iyo natiijo muujineysa inagoo wadajirna in ay naga go’neyd horumarinta maaliyadda dalka, Soomaaliya hore ayay u dhaqaaqday, marka loo eego isbadalada iyo dib-uhaneynta maaliyadda” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay xooga saartay barnaamjika deyn cafinta oo hadda maraya meel wanaagsan, waxaana la filayaa in Soomaaliya sanadkan bartamihiisa loo ogolaado ama laga fududeeyo deynta amaba loo fasaxo maalgashi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here