Imisa ayuu jiraa qofka ugu da’da weyn adduunka?

Kane Tanaka oldest

Kane Tanaka, oo ah qofka ugu da’da weyn adduunka ayaa dhawaan jirsatay da’da 119 , sida laga soo xigtay farriin ay Twitter-ka soo dhigtay gabadh ay ayeey u tahay oo lagu magacaabo Junko Tanaka.

“Waxay inoo tahay guul weyn in Kane Tanaka ay gaartay da’da 119, waxaan ku rajeynayaa nolol farxad leh” ayay tiri Junko.

Junko ayaa baahisay sawirka dhalooyinka cabitaanka shirkadda Cocacola oo xusuus ahaa kuwaas oo haweeneydan la siiyay mar loo dabbaaldegayay dhalashadeeda, waxaana dhalooyinka lagu xardhay magaceeda iyo da’deeda.

Kane oo u dhalatay dalka Japan waxay dhalatay sanadkii 1903, waxaana guursaday nin mehrad ganacsi ku lahaa dalkaas, waxay markii dambe ka shaqeyn jirtay mehradda ganacsi tan iyo markii ay gaartay da’da 103

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here