IN KA BADAN 10 RUUX OO KU DHAAWACMAY WEERAR BAMBAANO OO KA DHACAY MUQDISHO

muqdisho diyrgrow erdogan3

In ka badan 10 ruux ayaa la soo weriyay in ay ku dhaawacmeen Bumbo gacmeed xalay lagu weeraray guri ku yaalla degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho.

Laba ruux oo dadkaasi dhaawacmay kamid ah ayaa la soo sheegayaa in xaaladood aad u liidato balse weli lama soo werin wax dhimasho ah oo ka dhashay weerarkaasi.

Wararku waxay sheegayaan in guriga Bumbo gacmeedka lagu weeraray ay xilliyada habeenkii ah ku ku caweeyaan dhalinyaro isu’gu jira wiilal iyo gabdho inkastoo aysan weli laamaha Amnigu faahfaahin ka bixin goobta la weeraray.

Kooxdii Bumbo gacmeedka ku tuurtay guriga ayaa goobta ka baxsaday oo aan weli gacanta lagu dhigin iyadoo ciidamadu ay halkaas hawlgallo ka wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here