In ka badan 110 qof oo tahriibeyaal Itoobiyaan a oo ku waxyeeloobay shil gaari

dhaawac tahriibayaal itoobiyaan

Inta la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 110 kalena waa ku dhaawacmeen kadib markii gaari nooca loo yaqaan Waaraadka ah oo tahriibayaal Itoobiyaana sida uu maanta ku dhacay degaanka Tawakal ee galbeedka degmada Xiingalool ee gobolka Sanaag.

Goobjoogayaal ku sugan degaanka Tawakal ayaa sheegay in gaariga rogmaday oo ka yimid dhanka Itoobiya uu tahriibayaasha u sida dhinaca magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari islamarkaana ay saarnaayeen dad ka badan 150 ruux oo Itoobiyaan ah gaar ahaanna Qomiyadda oromada.

Dadka Dhaawacmay ayaa haatan lagu dabiibayaa isbitaalka degmada Xingalool waxaana xaalad halis ah ku sugan 15 kamid ah dhaawacyada sida uu sheegay gaasimaha cisbitaalka Xiingalool Cabdirisaaq Cabdullaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here