In ka badan 150 qof oo ku dhintay rabshadaha ka socda Itoobiya

police ethiopia

Ugu yaraan 166 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Rabshadihii dhawaan ka dhacay dalka Ethiopia, kuwaas oo ka dhashay Dilka fanaankii ka soo jeeday Qoomiyada ugu badan wadanka Ethiopia ee Haacaaluu Hundeessaa.

sidaas waxa shalay oo sabti ahayd sheegay ciidamada Booliska ee wadanka Ethiopia, kuwaas oo ka warbixinayay khasaarihii dhacay.

“Kadib DhimashadiiHaacaaluu, 145 qof oo rayid ah iyo 11 ciidamada amaanka ah ayaa naftooda ku waayey qalalaasaha ka jira gobolka,” ayuu yidhi Girma Gelam, kuxigeenka taliyaha booliska ee gobolka oromia, kaas oo u waramayay Fana Broadcasting Corporate oo ka tirsan gobolka.

waxa uu intaasi u ku daray Taliye Ku Xigeenka Ciidamada Booliska ee Deegaanka Oromia dad gaadhaya 167 qof oo kale ay ka soo gaadheen dhaawacyo rabshadahaasi, iyada oo ay ciidamaduna gacanta ku dhigeen in ka badan 1,084 oo loo aanaynayo in ay ahaayeen maskaxdii ka dambaysay dibadbaxyadda.

Girma ayaa xusay in ay hadda guud ahaanba joogsadeen dibadbaxyadii ka dhashay dilka fanaanku.

Magaaladda Addis ababa ayaa sida uu ku waramayo Wargeyska The Gaurdian la rumaysan yahay in ay sidoo kale toban qof oo kale kudhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here