Indhacadihii balanqaaday inuu difaacayo musharaxiinta oo isagii la soo badbaadiyey

Indha Cadde

Faah-faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qarax xooggan iyo weerar lagu qaaday hotelka Afrik ee ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada aadda garoonka diyaaradaha.

Qarax ayaa ku billowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey, oo sida la sheegay lagu dhuftay albaabka hore ee hotelka, kadibna israsaasayn.

Waxaa kadib gudaha hotelka galay koox hubeysan, kuwaas oo dagaal uu dhex-marayo ciiidamada ilaalada hotelka iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee joogay bar ku dhow hotelka.

Warar aan helnay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse illaa iyo hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Saadaq Cali ayaa sheegay in dad badan laga soo bad-baadiyey hotelka, balse uu rumeysan yahay inuu khasaare nafeed jiro. Wuxuu intaas ku daray inuu howgal socdo.

“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde. Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa,” ayuu yiri afhayeenka.  

Dadka lasoo bad-baadiyey oo ay ku jiraan saraakiil ciidan waxaa ka mid ah Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah milkilaha hoteelka. Waxaa ciidanka sidoo kale ay kasoo badbaadiyeen hoteelka Odayaal la sheegay in uu shir uga socday goobta.

Wali waxaa laga maqlaya gudaha hoteelka rasaas xoog leh, waxaana dagaalamayo ciidamada dowladda iyo maleeshiyada hotelka Gudaha u galay.

Al- Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegtay in ciidamadeeda ay gudaha u galeen Hotel Afrik.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here