Indonesia: Wadaadkii hirgaliyay sharciga karbaashka gogol dhaafka oo isagii la garaacay

karbaash Mukhlis bin Muhammad indonisia

Nin u dhashay waddanka Indonesia – oo ka shaqeynayay hay’ad gacan ka geysatay in waddankaas laga abuuro sharci gacan adag ku qabanaya dadka gogol dhaafka sameeya – ayaa isagii meel fagaare ah lagu karbaashay ka dib markii lagu qabtay isagoo gogol dhaaf la sameynaya haweeney la qabo.

Mukhlis bin Muhammad oo ka tirsan golaha culumada ee magaciisa loo soo gaabiyo (MPU) ayaa lagu dhuftay 28 jeedal.

Haweeneyda uu xiriirka la sameeyay ayaa iyadana lagu dhuftay 23 karbaash.

Mukhlis wuxuu kasoo jeedaa gobolka ku dhaqanka shareecada islaamka ku adag ee Aceh, halkaasoo ah meesha kaliya ee ka tirsan waddanka Indonesia ee sida joogtada ah looga hirgaliyo shareecada Islaamka.

Dadka isku jinsiga ah ee is damca iyo kuwa khamaarka ciyaara ayaa sidoo kale lagu karbaashaa gobolka Aceh.

“Kani waa sharcigii Alle. Qof walba waa in la karbaasho haddii dambiga lagu caddeeyo, xitaa qofku haddii uu xubin ka yahay golaha culumada ee MPU”, sidaas waxaa BBC-da laanteeda Indonesia ku yidhi, Husaini Wahab, oo ah ku xigeenka duqa gobolka Aceh, halkaasoo Mukhlis uu ku nool yahay.

.
Haweeney jeedal lala dhacayo

Lamaanaha gogol dhaafka sameynayay ayey boolisku qabteen bishii September, xilligaasoo sida la sheegay ay ku dhex jireen gaari yaallay meel u dhow xeeb loo dalxiis tago.

Karbaashka oo ay dadweyne badan goob joog ka ahaayeen ayaa dhacay maalintii Khamiista ahayd.

Mr Husaini wuxuu intaas ku daray in wadaadka gogol dhaafka loo karbaashay laga saari doono golaha culumada.

Mukhlis ayaa sidoo kale ah hoggaamiye diimeed. Hadda wuxuu noqday sheekhii ugu horreeyay ee meel fagaare ah lagu karbaashay tan iyo markii gobolka Aceh shareecada islaamka laga hirgaliyay sanadkii 2005-tii.

Golaha Culumada ee MPU ayaa dowladda hoose ee gobolka kula taliya sida loo diyaariyo isla markaana loo hirgaliyo sharciga islaamiga ah.

In ka badan 10 sano ka hor ayaa gobolka Aceh loo oggolaaday inuu si iskiis ah isugu maamulo shareecada.

Sharciga ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee gogosha wadaaga waxaa la ansixiyay sanadkii 2014-kii, wuxuuna dhaqan galay sanadkii xigay.

Gogol dhaafka, khamaarka iyo dambiyada kale ee la xiriira ayaa mamnuuc ku ah sharciga islaamka.

Sanadkii 2017-kii, labo nin ayaa midkiiba 80 jeedal loogu dhuftay gobolka Aceh, ka dib markii la qabtay iyagoo anshax xumo sameynaya.

Karbaashka ayey khasab tahay inay goob joog ka ahaan koox ka mid ah dadweynaha, inkastoo carruurta laga mamnuuco inay daawadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here