Iran: cid kasta oo na soo weerarto cashar lama illaawaan ah ayaan u dhigeynaa

SGuud Hossein Salami iran

Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Iran ayaa sheegay cid kasta oo dhulkeeda dagaal ku soo qaaddo iney diyaar u tahay iney burburiso.

Hadalka Iran ayaa ku soo beegmaya kaddib marki uu Mareykanka shaaca ka qaaday inuu ciidama caawiya Sacuudi Carabiya uu u soo dirayo Khaliijka.

“Aad u taxaddar oo hubso inaad wax khalad ah sameyn” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidmada iaalada kacaanka Iran.

Iran waxay diidday eedaha ay Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya u soo jeediyeen ee ku saabsanaa iney iyadu ka dambeysay weerarradi lagu soo qaaday xaruumaha saliidda ee dalka Sacuudiga.

Mas’uul sare oo ka tirsan boqortooyada sacuudiga wuxuu sheegay ‘Tallaabba kasta oo lagama maarmaan ah’ in la qaadayo marki uu soo idlaado baaritaanka weerarkaasi la xiriira.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir faahfaahin intaa dheer kama bixin tallaabbada uu sheegay in la qaadayo, balse wuxuu sheegay baaritaanka marka soo gabagabeeyo xogta baaritaanka la shaacin doono.

Fallaagada Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarki 14-ka September dhacay ee lagu qaaday xaruumaha saliidda Sacuudiga.

Xiisadda u dhaxeysa Mareykanka iyo Iran ayaa sii cakirantay wixi ka dambeeyey marki uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiski Niyuukilarka isla-markaana uu Iran ku soo rogay cunaqabateyno horleh.

Iran maxay tiri?

Sarreeya Guud Adel al-Jubeir oo warbaahinta dowladda Iran maanta oo Sabti ah la hadlay wuxuu sheegay ‘Dalkiisu inuu diyaar u yahay inuu ka jawaabo weerar kasta oo lagu soo qaado, uuna dalkiisu marnaba oggolaaneyn in dhulka Iran dagaal lagu soo qaado’.

“Cid kasta oo nagu soo gardarrooto jawaab ayaan siin doonnaa’, isaga oo hadalka sii watana wuxuu yiri “Jawaabta aan bixin doonnana waxay noqoneysaa mid sii socota ilaa cadawgannaga aan baab’inno.”

Sareeya Guud Salami, oo ka hadlayey carwo lagu soo bandhigay diyaaradaha aan duuliyaha laheen oo lagu qabtay Tehran ayuu ka sheegay cid kasta oo dhulka Iran ku soo xadgudubto inay weerarayaan.”

Ciidamada ilaalada Kacaanka Iran oo qayb ka ah ciidamada dalkaasi wuxuu Mareykanka uu ku daray liiska hay’adaha argagixisada.

Mareykanka muxuu yiri?

Xoghayaha difaaca Maraykanka Mark Esper, bidix, iyo General Joseph Dunford , Taliyaha guud ee ciidamada Maraykanka.

Maraykanka wuxuu ku dhawaaqay in uu qorshaynayo in uu ciidamo u diro Sacuudi Carabiya kaddib weerarradii lagu qaaday warshadaha shidaalka ee dalkaas.

Xoghayaha Difaaca Mark Esper ayaa saxafiyiinta u sheegay in ciidamada halkaas lagu daad guraynayo ay yihiin “kuwo wax iska caabbin ah”. Ilaa iyo haddana lama sheegin tirada ciidamada ee halkaas la gaynayo.

Xuutiyiinta ay taageerto xukuumadda Iran ayaa sheegtay masuuliyadda weerarradii toddobaadkii hore lagu qaaday laba warshadood oo kuwa shidaalka ah.

Hase ahaatee Maraykanka iyo Sucuudiga labaduba waxay masuuliyadda weerarkaas ku eedeeyeen xukuumadda Iran.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Trump ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in uu Iran ku soo rogi doono cunaqabatayn “heerkeedu sarreeyo” asagoo sheegay in uu ka dheeraanayo tallaabo militari.

Mr Trump ayaa sheegay in cunaqabatayntan cusub diiradda lagu saarayo bangiga dhexe ee Iran iyo hantidiisa madaxa bannaan.

Maxay tidhi Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanku?

Mr Esper ayaa go’aankan ku dhawaaqay Jimcihii asagoo garab taagnaa madaxa saraakiisha ciiidamada Gen Joseph Dunford Jr.

Mr Esper ayaa sheegay in kaalmadaan ay dal badeen dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Ciidamadan ayaa diiradda saaraya sidii ay u xoojin lahaayeen difaaca hawada ee dhanka gantaalaha, Maraykanku wuxuu “dardar gelin doonaa in uu geeyo qalab militari” labadaas dal.

Maraykanku wali kama aanu hadal nooca ay yihiin ciidamada uu halkaas u dirayo.

Sida laga soo xigtay the New York Times, markii warfidiyeennadu ay Mr Esper waydiiyeen in qorshe lagu duqaynayo Iran uu wali miiska saaran yahay iyo in kale, ayaa Xoghayaha difaacu wuxuu ku jawaabay: “Wali halkaas ma aanan gaarin”.

Khariidad muujineyso waddamada sida ay iisu taageeraan

XIGASHO: BBCSOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here