IRAN oo farriin cabsi leh gaarsiisay Imaaraadka

Zayed Al Nahyan uae

Iran ayaa “si toos ah” ula xiriirtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye.

Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh.

Inkasta oo sirdoonka Israel ay si qarsoodi ah ugu sheegteen dilkan xiriir ay la sameeyeen wargeyska New York Times, haddana Iran ayaa sidoo kale rumeysan in laga yaabo in madaxweynaha xilka ka degaya ee Mareykanka Donald Trump uu ku qaadi karo weerar ku ciil bax ah ka hor 20-ka Janaayo.

“Mohammed bin Zayed waxa uu hanjabaad toos ah ka helay Iran. Cidna looma soo marin,” ayuu yiri il-wareed sare oo Imaaraati ah oo la hadlay Middle East Eye.

Sida uu sheegay il-wareedkan, Iran ayaa ku tiri Mohammed bin Zayed “Adiga ayaa mas’uul ka noqon doona khaarijinta Mohsen Fakhrizadeh.”

Imaaraadka Carabta, oo 70km oo dhanka badda Gacanka ah u jirta Iran, ayaa xulufo la ah madaxweyna Trump, waxayna dhowaan xiriir rasmi ah la yeelatay Israel.

Sida uu sheegay il-wareedyo, xiriirka ay Iran sida tooska ah ula sameysay Mohammed bin Zayed ayaa yimid saacado ka hor inta aysan Imaaraadka Carabta soo saarin Axaddii qoraal ay wasaaradda arrimaha dibedda dalkaas ku cambaareysay dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Iran ayaa wacad ku martay in jawaab cabiran oo aan lagu degdegin ka bixin doonto dilka Mohsen Fakhrizadeh.

Tehran ayaa rajeyneysa in maamulka cusub ee Mareykanka ee Joe Biden uu wax ka beddeli doono xiisadda Bariga Dhexe, ayada oo la rumeysan yahay in Biden uu doonayo in wada-hadal iyo xal wax lagu dhameeyo, si ka duwan Trump oo ay adeegsadaan Sacuudiga iyo Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here