Iran oo lagu eedeeyay inay weerar internet la bartilmaameedsatay ololaha doorasahda Mareykanka

microsoft

Koox jabsata internetka oo la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin dowladda Iran ayaa waxay bartilmaameedsadeen doorashada madaxwaynanimada Mareykanka ee 2020,waxaa sidasi shaacisay shirkadda dhanka tiknoolajiyada ee Microsoft.

Kooxdan ayaa weerar ku qaaday in ka badan 200 oo email oo qaarkood ay iska lahaayeen dad gacan saar la leh “ololaha doorashada Mareykanka “, sida ay shirkadu sheegtay.

Bartilmaameedka kooxdan burcadda ee jabsata internet-ka ayaa ahaa ololaha dib u soo doorashada madaxwayne Trump, sida ila wareedyo ay ka soo xigatay waakalada wararka ee Reuters.

Ilaa iyo imika dowladda Iran kama aysan hadlin eedeeynta loo soo jeediyay.

Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa waxay sheegeen in aysan wali hayn cadeyn ku saabsan in la bartilmaameedsaday.

Maxay sheegtay shirkadda Microsoft?

“Maanta waxaan idinla wadaagaynaa in aan aragnay dhaqdhaqaaq dhanka internetka ah oo ay wadaan koox lagu magacaabo Phosphorus, oo la rumaysan yahay inay xiriir la leeyihiin dowladda Iran,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay shirkadda Microsoft .

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxdani ay saameeyen in ka badan 2,700 oo isku day ah oo ay ku xaqiijinayeen cinwaanada emailada iyo cidda iska leh.

Markaas ka dib ayaa waxay kooxdan qaadeen weerar ay la bartilmaameedsadeen 241 cinwaanada emailo ah.

“Cinwaanada la bartilmaameedsaday ayaa ah kuwa la xiriira ololaha doorashada Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here