Iran oo lagu eedeeyey weerar internetka oo lagu qaaday xarumo ku yaalla Israel

israel and iran flag

Iran ayaa masuul ka ahayd weerar baahsan oo dhanka Internet-ka ah kaasi oo bishii lasoo dhaafay lagu qaaday nidaamka biyaha iyo bulaacadaha ee Israel, waxaa sidaas wariyey taleefishinka Fox News ee Mareykanka.

Fox News waxaa uu sheegay in Dowladda Iran ay isticmaashay Computer-ro ay leedahay Dowladda Maraykanka si ay u jabsato kuwa Israel

Wakiil-wareedka arrimaha dibadda ee Fox News Trey Yingst ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in “sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Tamarta Maraykanka uu diiday in uu ka warramo wax gaar ah oo ku saabsan baaritaan socda. Sarkaalku waxaa uu ku celiyay in Waaxda Tamartu ay markasta ururiso lana wadaagto warbixinta shirkadaha gaarka loo leeyahay weerarada Internet-ka looga difaaco Maraykanka iyo xulifadiisa.”

Weerarku waxaa uu dhacay dabayaaqadii bishii April, waxaana uu saameeyay dhowr ka mid ah qalabka maamulka biyaha ee Israel.

Madaxa waaxda amniga ee hey’adda maamusha biyaha Israel Daniel Lacker ayaa u sheegay madaxa waaxda amniga Internet-ka Avi Azar “Waxaan heynay warar la xariira in weerar internet-ka ah lagu qaaday nidaamkeena. Ma jirto waxyeelo ka dhalatay weerarka.”

Iran waxaa markasta lagu eedeeyaa in ay isku daydo weerarro internet-ka ah oo ka dhan ah Israel.

Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa shirkii amniga technology-yadda ee lagu qabtay Tel Aviv ka sheegay “in Iran ay Israel weerareeyso maalin walba.” “Waan la soconaa waana ka hortagnaa maalin walba” ayuu yiri.

Waxaa uu intaas ku daray “ waxa muhiimka ah waa in wadan kasta la weerari karo wadan kastana waxaa uu u baahanyahay in uu yeesho awoodda difaaca iyo weerarka, Israel-na waa ay leedahay awoodaas.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here