IRAN oo si kulul u beenisay tuhunka uga yimid Canada

Javad Sarif Iran forminister

Madaxa hay’adda duulista rayidka ee Iran ayaa maanta beeniyey in gantaal uu soo riday diyaaraddii Ukraine ee dalkaas ku dhacday, taasi oo ay ku dhinteen dhammaan 176-kii qof ee saarnaa.

Hadalka kasoo baxay Ali Abedzadeh ayaa yimid maalin kadib markii Canada iyo Britain ay tilmaameen inay jiraan astaamo muujinaya in diyaaraddaas lagu soo riday gantaal si aan ku talogal ahayn loogu tuuray.

“Hal mid waa hubaal. Diyaaraddan soo ma ridin gantaal,” ayuu yiri Ali Abedzadeh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Tehran.

Diyaaraddan, oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa dhacday, Arbacadii waxyar un kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, ayada oo uga aargudaneysa dilka Jeneral Qasem Soleimani.

Ra’iisul wasaraaha Canada, Justin Trudeau ayaa Khamiistii sheegay in ilo-sirdoon ay tilmaameen in gantaal lagu soo riday diyaaradda oo u diiwaan gashaneyd shirkadda Ukraine International Airlines, islamarkaana lambarkeeda duulimaad uu ahaa PS752.

Hase yeeshee Abedzadeh ayaa diiday tuhunnadan, waxaana uu sheegay in “hadal kasta oo la jeediyo ka hor inta aan xogta laga soo saarin sanduuqa madow ee diyaaradda…uu yahay fikar aan ku dhisneyn khibrad.”

AFP + VOA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here