Is-fahamka Madaxweyne Muuse iyo Cali Khaliif oo kaga nixiyey Xubnaha Goleyaasha ee Gobolada SSC

madaxweyne muuse iyo cali khaliif Galaydh

Xubnaha isxambaarla loo yaqaano ee Goleyaasha sharci dejinta Somaliland ugu jira Gobolada Sool Sanaag iyo Cayn iyo Wasiirada aan taageerada ka haysan Degaamadooda ee ka tirsan Golaha Xukuumada Somaliland ayaa si weyn uga naxsan is faham dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Prof Cali Khaliif Galaydh, sidoo kale Gudi ka kooban Siyaasiyiin culus iyo waxgarad kale oo ka hadlaya danaha Degaamada SSC.

Xubnahan ayaa ahaa kuwii aabaha u ahaa guuldaradii uu Xisbiga Kulmiye ka keenay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee degaamada Sool, Sanaag iyo Cayn, oo tiradii yarayd ee iska diiwaangelisay ay si weyn ugu codeeyeen Xisbiga Waddani, iyadoo la sii joogistooduna ay mustaqbalka Xisbiga Kulmiye u horseedi doonto guuldarooyin Goboladaas uga timaada, taas oo meesha ka saari karta hogaamintii siyaasada ee Xisbiga Kulmiye.

Xildhibaanada Isxambaarka, Wasiirada iyo dhalinyarada Bajaajka loo yaqaano ee xafiisyada hargeysa ka shaqeysta ayaa waqtigooda iyo xoogooda isugu geeya sidii ay Somaliland siyaasiyiinta degaamadaas uga ceshiimaysan lahaayeen, iyagoo todobaadkii ugu dambeeyey ku mashquulsanaa sidii ay u fashilin lahaayeen is-fahamka dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo prof. Cali Khaliif Galaydh, iyagoo si weyn uga naxay Gudiga guud oo ka hadlaya danaha degaamadaas iyo isfahamka Somaliland.

Xubnahan oo si khaldan siyaasadaku soo galay waxay ku hamiyayaan inay kuraasta degaamadaas ku sii fadhiyaan.

Is-fahamka Cali Khaliif iyo shaqeynta Gudiga guud ee Beesha ayaa ah talaabo muhiim ah oo uu Madaxweyne Muuse qaaday, taasoo wax weyn ka bedeli doonta siyaasada iyo aragtida degaamadaas, waxayna ku tusinaysaa inuu Madaxweynuhu garwaaqsaday in aanu hab dhaqankii hore sii shaqayn doonin.

Xildhibaanadan iyo Wasiiraduba weligood kama hadlin dan guud oo degaamadoodu leeyihiin, marba waxay isku dayaan inay qanciyaan Madaxweynihii yimaada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here