Isbarbardhigga awoodda milatari ee Itoobiya iyo Suudaan

Itoobiya iyo Suudaan

Waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda u dhaxeysa dalalka Itoobiya iyo Suudaan, kuwaasoo isku heysta deegaanno ka mid ah xadka kala qeybiya.

Mas’uuliyiinta labada waddan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay warbaahinta isku marinayay eedeymo iyo hadallo kulul.

Yaa milatari ahaan awood badan?

Shabakadda ka faalloota arrimaha milatariga ee Global Firepower ayaa sanadkan soo saartay liiska 35 waddan oo ku yaalla Qaaradda Afrika, kuwaasoo ay qiimeyn ku sameysay awooddooda dhinaca milatariga.

Itoobiya waxay liiskaas ka gashay kaalinta 6-aad halka Suudaan ay ka gashay kaalinta 10-aad.

Markii si guud loo eego caalamka oo dhan, liiska dalalka dunida ee awooddooda la qiimeeyay oo ah 138 waxay Itoobiya ka gashay kaalinta 60-aad. Laakiin Suudaan ayaa sanadkan 2021-ka uga jirta kaalinta 77-aad.

Awoodda milatari ee Itoobiya

.

Itoobiya waxay ka mid tahay lixda waddan ee ugu awoodda badan qaaradda Afrika, marka laga soo tago waddamada kaalmaha ka horreeya ku jira ee Afrika, oo kala ah 1- Masar, 2-Algeria, 3-South Africa, 4-Nigeria, iyo 5-Morocco.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Itoobiya qiyaas ahaan waa 108,386,391.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 41,143,474 ruux, oo u dhigma 38.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

25,508,954 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 1,989,698 qof.

Tirada ciidanka milatariga Itoobiya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 162,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Itoobiya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Itoobiya

Milatariga Itoobiya waxay bishii November dagaal culus la galeen xoogagga Tigray
Qoraalka sawirka,Milatariga Itoobiya waxay bishii November dagaal culus la galeen xoogagga Tigray

Awoodda ciidanka cirka ee Itoobiya waa 86.

Itoobiya waxay leedahay:

24 diyaaradaha dagaalka ah.

9 saanadda kala gudbiya.

20 loogu talagalay tababarka.

33 diyaaradaha qumaatiga u kaca ah.

8 diyaaradaha qumaatiga u kaca ee weerarrada fuliya ah.

Itoobiya ma laha diyaarado loogu talagalay howlgallada khaaska ah.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Itoobiya

.

400 taangi.

114 gawaadhida gaashaaman.

67 madaafiicda iskood isku haga.

650 madaafiicda la jiido ah.

183 qalabka lagu rido gantaallada ah.

Awoodda Ciidamada Badda – Itoobiya

Itoobiya ma laha awood dhinaca ciidanka badda ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Itoobiya aysan lahayn ciidan kuwa badda ah iyo maraakiib toona.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Itoobiya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Itoobiya waa $350,000,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $26,050,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Itoobiya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 1,104,300 km.

Itoobiya ma laha dhul ku teedsan xeeb.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 5,925 km.

Marin biyoodyada la isticmaali karo waa 104,300 km.

Awoodda Milatari ee Suudaan

.

Suudaan waxay ku jirtaa 10-ka waddan ee ugu awoodda badan Qaaradda Afrika, liiskaas oo ay ku jiraan ilaa 35 dal.

Sida lagu sheegay xogta Global Firepower, shacabka Suudaan guud ahaan tiradoodu waa 45,561,556 qof.

Dadka awoodda u leh in ay ciidanka milatariga qaranka ku biiraan tiradoodu waa 24,147,625. Tiradaas waxay u dhigantaa 53.0% ka mid ah shacabka guud, waxayna xoogaa ka badan tahay kalabar.

Taas micnaheedu waa in dadweynaha Suudaan in ka badan kala bar ay gali karaan milatariga waddankooda.

Dadka sida ugu dhakhsiyaha badan ugu diyaarsan inay ku biiraan ciidanka tiradoodu waa 15,454,480. Sanad walba tirada shacabka Suudaan ee da’da milatariga loogu biiri karo gaara waa 1,205,449.

Sanadkan 2021-ka tirada ciidanka dalka Suudaan waa 190,000 oo askari. 105,000 oo askari ayaa si toos ah u shao taga oo howlgal sameyn kara. 85,000 oo askari ayaa keyd u ah milatariga dalka Suudaan. 20,000 oo askarina waa booliska sida milatariga u tababaran.

Awoodda ciidamada cirka

.

Suudaan waxay leedahay 45 diyaaradood oo kuwa dagaalka ah. 38 ka mid ah diyaaradahaas waxay gaar u yihiin dhinaca fulinta weerarrada. 22 diyaaradoodna waxay qaadaan saanadda milatariga, gaadiid ahaanna way u isticmaalaan ciidanka.

12 diyaaradood ayey milatariga Suudaan u adeegsadaan dhinaca tababarrada. Diyaaradaha qymaatiga u kaca ee loo yaqaanno Helicopters Suudaan waxay heysataa 73. 43 ka mid ah diyaaradahaasna waa kuwa weerarrada qaada.

Awoodda ciidanka dhulka

Milatariga Suudaan waxay leeyihiin 830 taangi. 450 gawaarida gaashaaman ah iyo 10 gantaal oo nooca iskood u istaaga ah.

.

Dhanka ciidamada badda, Suudaan waxay leedahay 18 markab oo 10 ka mid ah ay roondo ama kormeer ku sameeyaan biyaha waddankaas iyo xuduudaha badda ee uu la wadaago dalalka kale.

Dalka Suudaan wuxuu soo saaraa saliid sanad walba lagu qiyaasay 95,000 oo barmiil. Hase ahaatee isla dalkaas waxaa sanadkiiba laga isticmaalaa saliid dhan 96,000 oo barmiil.

Waxaase xusid mudan in Suudaan laga helay keyd saliid ah oo dhan 5,000,000,000 barmiil.

Miisaaniyadda sanadlaha ah ee ay Suudaan ku bixiso dhinaca difaaca waa $4,000,000,000 doolar. Deynta uu waddanka dibadda kasoo qaato waa $56,050,000,000.

Juqraafi ahaa, Suudaan dhulka ay leedahay waa 1,861,484 km. Xeebta Suudaan dhererkeeda waa 853 km. Xuduudda ay dalalka dariska la ah la wadaagto waa 6,819 km. Marin biyoodka la isticmaali karo ee ay Suudaan leedahay waa 1,723 km.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here